15-April-2024

Dufcad cusub oo ka mid ah ciidamada Kumaandooska ah ee Danad ee Soomaaliya, islamarkaana uu taageero Mareykanka ayaa waxaa loo soo xiray tababar.
Munaasabad lagu qabtay Balidoogle, oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamad Xoogga, ayaa waxaa askartaasi loogu sheegay in ay u diyaar garoobaan ka qeyb-qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ugu hambalyaynayaan askarta cusub ee Danab ku biirtay kadib markii tababar dhowr bilood socday ay ku qaateen xerada Baled-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxay dowladda Mareykanka bogaadisay kaalinta ciidamada Danab ka qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo balan qaaday inay sii wadi doonto tababarkooda iyo qalabeyntooda, sida waafaqsan heshiiska iskaashiga amniga ee la galeen dowlada Federaalka.
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan shaacisay inay saldhigyo ciidan u dhisayso kumaandooska Danab, oo hadda tiradooda la kordhinayo, kadib markii la arkay inay door firfircoon ku leeyihiin howlgallada ka socda dalka.
Marka laga soo tago tababarka Danab, dowlada Mareykanka ayaa duqeymo ka fulisa Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.
