Wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana hoggaaminayo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley oo uu wehelinaayo Taliyaha taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Maraykanka.
Wafdigan ayaa waxaa qaabilay madaxweynaha xilka kasii dagaya Muuse Biixi Cabdi oo kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo ay ku yeesheen wada-hadallo gaar ah oo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo xaaladihii ugu dambeeyay.
Madaxweye Biixi ayaa uga mahadceliyay xubnaha uu la kulmay iskaashiga iyo xiriirka wada shaqayneed ee amniga geeska Afrika iyo dhinaca ee Somaliland iyo Maraykanka, waxaa kale oo uu xusay in booqashada wefdigani ay xoojinayso xiriirka labada dhinac.
Dhinacooda xubnaha ka socday Mareykanka ayaa waxay si wadajira ah u soo dhaweeyeen hadalka madaxweynaha, waxaana safiirka Maraykanka uu sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga Geeska Afrika.
Waxaa kale oo uu Muuse Biixi ku bogaadiyay doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xiriirka labada dhinaca ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday Somaliland.
Kulankan waxaa waxa madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) iyo La taliyaha Arrimaha Sharciga ee Madaxweynaha Marwo Amaal Cabdilaahi Cawil.
Dhinaca wefdiga Mareykanka waxaa wehelinaayey safiirka iyo taliyaha mas’uuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka mida dowladda maraykanka iyo ciidamada Militeriga Maraykanka ee qaaradda Afrika kuwaas oo kala ah;-Colonel Carl Benander, Andrew Kelly oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda, Colonel Brian Luti, Matthew Cassidy iyo Sergeant Major Chadwick Forbes.