19″ January “2021
Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo barqadii Maanta ka fuliyeen agagaarka degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada AFRICOM ayaa lagu sheegay in dqueynta oo ka dhacday degmada Jammaame lala bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo xiligii uu weeraru ka dhacaayay ku sugnaa halkaas.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta diyaaradeed lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana lala beegsaday weerarka, in kasoo aysan magacyadooda shaacin Mareykanka xubnaha la dilay
Sidoo kale Taliska Ciidamada AFRICOM ayaa xusay in weerarka wax khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uusan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa, kadib baaritaano ay saameyeen, waa sida hadalka loo dhigay.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa goorsii horeysay oo Maanta ka hadashay duqeynta diyaaradaha Mareykanka ee Drones-ka ka geysteen degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegeen in duqeynta lagu dilay Suldaankii mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega deegaanada Jubbooyinka, iyagoona magaciisa ku sheegay Suldaan Maxamed Cabaas.
Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sanadkaan cusub ee 2021 duqeymo dhowr ah ka geystay deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday Gobolka Bakool.