24″ May”2023″ BBC
2 Saacadood ka hor
Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo, waa haddii ay sii wadaan ficiladooda.
Danjiraha ayaa sheegay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.
Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Safiir André oo ka jawaabaya su’aal ay BBC weydiisay oo ay ahayd doorkooda ah in la joojiyo colaadda Laascaanood ayaa yiri:
“Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laasacaanood iyo Garowe.”
Dagaalka laascaanood oo sababay khasaare naf iyo maalba leh ayaa socda isagoon wax xal ah laga gaarin. Haddaba danjiraha goorma ayuu filayaa in uu soo afjarmo dagaalka Laascaanood?
“Waxaan aragnay marar uu dagaalka qaboobay, iyo marar uu si xooggan u dhacay. Arrimaha la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah Somaliland ay ciidamadeeda ka durjiso aaggaas kuwa Laasacaanood na ay joojiyaan weerarrada mise in marka hore ay xooggaga Laasacaanood joojiyaan weerarrada kadibna ay Somaliland la baxdo ciidamadeeda ugu yaraan qeyb ahaan. Waxaan rumaysannahay in dagaalka aanu cidna dan u ahayn, dan uma aha dadka Sool, dan uma aha maamulka Hargeysa.”
Ma jiraan dedaallo ay dhankooda ah oo ay ku doonaysaan in dhinacyada ay isku soo hor fadhiistaan oo ay wadahadlaan?
“Waxaan ognahay in saaxiibbadeen Itoobiya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gogol nabadeed u fidhiyeen dhinacyada dagaal壯陽藥 lamaya. Anaga iyo saaxiibaddeen caalamka waxaan dhinacyada ugu baaqnay in ay ka faa’iidaystaan fursadahaas,” ayuu yiri safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC.
Tallaabo nooce ah ayay ka qaadanayaan ciddii ay u arkaan in ay colaadda Laasacanood sii hurinayso?
“Si cad ayaan u sheegnay halka aan ka taagannahay dagaalkaas. Wadahadalkii aan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada labaduba waxaan ku sheegay in sii socoshada dagaalka ay ka dhalan karaan cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah. Go’aannada noocaas ah waxaa gaara mas’uuliyiin sare oo ku sugan Washington, xiriir joogta ah ayaana la leenahay oo ku aaddan xaaladda. Marka la gaaro go’aannadaas, lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabateynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadnay tallaabadaas oo ah mid aan jeclayn balse laga fursan waayay.”
“Waxaan cunaqabateynta soo rognaa marka tallaabooyinka dhinacyada ay ka dhashaan arrimo si toos ah uga horimanaya danaha aan ka leenahay Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo guul gaarta, isla markaana si buuxda dib ugu soo kabatay.”