Turkey oo Somali Wax Ka Siiyay Hub Iyo Gaadiid Dagaal oo uu Waday Yaman

10″ April ” 2021″ RADIODALSAN

Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa uga digay Turkiga faragelin kasta oo ka dhan ah arimaha Yemen.C/Wahaab Al-Mahbashi ayaa digniintaasi jeediyey, xilli uu la hadlayey Wakaalladda Wararka Iran ee IRNA,

Waxa uu xusay inay Turkiga la kulmi doonaan cawaaqib-xumoka daran Weerarkii Isbahaysiga Sacuudiga ku qaadeen Yemen tan iyo sanadkii 2015-kii.Waxaana uu tilmamay haddii ay Ciiddanka Turkiga soo galaan Yemen inay la kulmi doonaan khasaare ka daran kuwii gardarada ugu horeeyey ee Yemen faragelinta ku sameeyey.“Haddii ay Turkiga soo galaan goobaha dagaalka ee Yemen” ayuu yiri C/Wahaab Al-Mahbashi,oo intaasi ku daray inay taasi Calaamad u noqon karto inaan Turkiga lagu maamulin Caqli iyo Miyir, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaasi ka tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Kooxda Xuutiyiinta Yemen waxa uu Wareysigiisa ku soo gebgebeeyey inay Saraakiisha Turkiga la dhibaataysan yihiin Caqli-Yar iyo Aragti gaaban, waa sida uu ku sheegay Wareysiga Khaaska ee uu siiyey Wakaalladda Wararka Iran ee IRNA.Al-Mahbashi waxa kale oo uu tilmaamay inuusan rumeysnayn inuu Madaxweyne Erdogan ku halagi doonin Yemen,

Sargaalka u hadlay xuutiyiinta ayaa waxa kaloo uu Ku eedeeyay Turkey In ay doonayaan in ay adeesadaan doono Calooshood-u-shqeystayaal la mid ah kuwii uu u adeegsday Faragelintii Libiya iyo Colaadii Gobalka Nagorno Karabakh ee u dhexeysay Milliteriga dalalka Azerbaijian iyo Armenia.“Qabsashada Yemen dhamaad farxadeed uma noqon doonto Erdogan naf ahaantiisa, Dowladiisa iyo Ciiddankiisa” ayuu yiri C/Wahaab Al-Mahbashi oo ka tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Kooxda Xuutiyiinta Iran ee ay Dowladda Iran taageerto.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay soo baxayaan Warbixin sheegayso in qeybo ka mid ah Gaadiidkii Milliteri iyo Qalabkii uu Turkiga dhawaan u wareejiyey Dekedo ku yaalla Somalia loo sii raray Dekedda dabiiciga ee magaalladda Qana ee Gobalka Shabwa ee K/bari ee dalka Yemen.Waxaa la rumeysan yahay in Shixnadaasi hubka loogu yaboohay.

Leave a Reply