19-Feb-2024
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay warsaxaafadeed la xiriira dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka iyo tallaabooyinka la qaaday Iyadoo Markii labaad todobaad Gudihiis ay Somaliland“si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya “
Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”.
Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda duulista hawada oo si aan la garan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho
Shirkadda dayaaradaha ee Israa’iil ee El Al ayaa dayaarad ay leedahay oo dul maraysay hawada Soomaaliya waxaa la sheegay in xiriir lala sameeyey.
Dayaaradaas oo xilliga lala xiriiriyayey ku sii jeedday ka timid Israa’iil, kuna sii jeedday magaalada Phuket ee dalka Thailand sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil, ayaa sida lagu xusay war saxaafadeed ay shirkaddu ku baahisay barta Ynet waxay ku sheegtay in “aysan saamayn ku yeelan hawlaha dayaaradda, ayadoo duullimaadkuna sii socday.”
Sarkaalka ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya wuxuu sheegay in markii dayaaradda lagala xiriiray Hargaysa iyo Muqdisho ay “duuliyeyaashu ku jaha wareereen, ka dibna ay qaateen go’aan u gooni ah, ayagoo ay ka weecday khadkii ay ku duulayeen oo u dhawaa Baabul Mandab dusheeda, halkaasoo ah meel ay ka dhow yihiin Xuutiyiinta Yemen”.
Hawada Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey ahayd meel soo jiidatay cinwaannada warbaahinta markii laga celiyey dayaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ku sii jeedday magaalada Hargaysa
Waxaaana wakhtigaas ka dib billowday eedeymo sheegayey in si khaldan loola hadlo dayaaradaha dul maraya hawada Soomaaliya
Shirkadda dayaaradaha ee Israa’iil ee El Al ayaa dayaarad ay leedahay oo dul maraysay hawada Soomaaliya waxaa la sheegay in xiriir lala sameeyey.
Dayaaradaas oo xilliga lala xiriiriyayey ku sii jeedday ka timid Israa’iil, kuna sii jeedday magaalada Phuket ee dalka Thailand sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil, ayaa sida lagu xusay war saxaafadeed ay shirkaddu ku baahisay barta Ynet waxay ku sheegtay in “aysan saamayn ku yeelan hawlaha dayaaradda, ayadoo duullimaadkuna sii socday.”
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxay la wadaagaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed; warsaxaafadeed la xiriira dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka iyo tallaabooyinka la qaaday.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maamulka gobolada woqooyi ku eedeysay inuu ku kacay falal xadgudubyo heerarkoodu kala duwan yahay oo lagu carqaladeeyey diyaarado isticmaalayey hawada sare ee Soomaaliya, sida lagu sheegay War-saxaafadeed Hay’adda ka soo baxay.
Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan leh kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taas oo ay ku carqaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya.
Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruucda dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ah. Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala khadadka dulmara qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.
Sarkaalka ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya wuxuu sheegay in markii dayaaradda lagala xiriiray Hargaysa iyo Muqdisho ay “duuliyeyaashu ku jaha wareereen, ka dibna ay qaateen go’aan u gooni ah, ayagoo ay ka weecday khadkii ay ku duulayeen oo u dhawaa Baabul Mandab dusheeda, halkaasoo ah meel ay ka dhow yih犀利士 iin Xuutiyiinta Yemen”.
Hawada Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey ahayd meel soo jiidatay cinwaannada warbaahinta markii laga celiyey dayaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ku sii jeedday magaalada Hargaysa, waxaaana wakhtigaas ka dib billowday eedeymo sheegayey in si khaldan loola hadlo dayaaradaha dul maraya hawada Soomaaliya.