Marxuumad Seynab Xaaji Cali Baxsan oo Maanta Muqdisho Lagu Aasay

Waxaa Maanta oo tallaado ah qabuuro ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan Shiikh Suufi Aas loogu sameeyay Marxuumad Seynab Xaaji Cali Baxsan oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyootay Caasimadda dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Abaawno Fanaaniin, qeybaha kala duwan iyo Qoyska Marxuumada ayaa ka qeyb galay Aask loo sameeyay Saynab Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer caanka ahaa

.

Dhammaan dadkii qeyb galay Aaska ayaa Alle uga baryay in Janada uu waraabiyo Seynab Baxsan, sidoo kalena Simir iyo Iimaan Alle kasiiyo Caruurteeda, Ehelada, qaraabada iyo Ummada Soomaaliyeed ee baxday Seynab Baxsan.

Seynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aas aasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale.

Leave a Reply