Mas’uuliyiin Loo Heystay Musuq Maasuq oo Xukun Lagu Riday

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka Kiis Musuq maasuq ah oo lagu soo eedeeyay illaa 9 xubnood oo ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Bnaaadir ayaa lagu sheegay inay Maxkamadda ku heshay Xatooyo xoolo dadweyne

C/llaahi Xaashi Cali oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka  ku xukuntay 9-sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shiling Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo dollar.

Maxamuud Buulle Maxamuud oo ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed 59,173,000 oo Shiling Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo dollar.

Eedeysanaha Saddexaad oo lagu magacaabo Mahdi Abshir Maxamed oo ahaa Madaxa Xisaabaadka ee Mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed 59,173,000 oo Shiling Soomaali ah, taasoo u dhiganta $2,366 oo dollar.

Maxkamadda ayaa sii deysay afar eedeysane kale oo lagu waayay wax caddeymo ah, iyagoo dib loogu celiyay Xoriyaddooda.

Halkan hoose ka akhriso Xukunka Maxkamadda:-

Leave a Reply