Maxaa Aamusiyay madaxda gobolada ?

19- January-2024- Dheeho “Maxaa Aamusiyay madaxda goboladu iyadoo Soomaalidu u midoowday inay dalkooda ka difaacaan damaca Itoobiya ?

Hogaamiyaasha maamulgoboleedyda somalia ayaa aamusan oo ka gaabsanaya inay ka hadlaan damaca itoobiyaanka tan iyo 1-dii January markii itoobiya ay heshiis isafgard ah la gashay maamulka gobolada waqooyiga Somalia ee Somaliland

Damaca Ethiopia ee ku aadan marin badeedka Somalia waxa uu Geeska Afrika u riixay In uu galiyo kacdoon weyn Iyadoo Adduunyadan la macna Tiray Illaalinta sharciga caalamiga Ah ay Somalia u soo bandhigtay wadooyin ku qasbaya inay sii kororto Xiisada Geeska Africa

Geeska africa wuxuu horey ula tacaalayay xasaradaha daba dheeraaday, ee argagixisanimada, Qiimaha sare ee nolosha iyo xiisadda Isbadelka cimilada ooy ku jiraan Abaaro iyo daadad ka hor intii aanu Abiy dab ku shidin nabdoontii yareyd ee gobolka

China Iyo Ruushka ayaa wali aamusan Iyadoo Maraykanka Iyo UK ay garab istaageen Somalia xili Amniga dekedaha, cuntada, ilaalinta tamarta iyo macdanta ay kor u sii qaadeyso xaalada

Tartanka caalamiga ah ayaa gobolka ku soo qulqulaya iyada oo loo marayo quwadaha dhexe, gaar ahaan Masar , Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta (UAE), Turkiga iyo Qatar, kuwaas oo isku arki kara hardan gobolka Geeska Afrika ku dhexmara

Dhammaan dhibaatooyinkan,waxay sidoo kale soo bandhigayaan fursad Somalia ay ku heli karto Qowmiyadaha kala diinta iyo afka ah ee isku dilay gudaha itoobiya oo Abiy uu doonayo in uu ku mideeyo bad uu Somalia ka boobo

Dibadbaxyo caro leh ayaa Isqabsaday dhulka Somalida tan iyo markii Muusa biixi uu heshiis beenaad la galay itoobiya iyadoo dhaqdhaqaaqyo dibolomaasiyeed ooy qaaday dowlad Somalia uu gaaray meel sare, Madaxweyne Xasan shiikh oo booqday wasaarada Gaashaandhiga ayaa ciidamada qarnka kuwargalyay diyaargaroow buuxa

Dhaqdhaqaaqa Qowiyada Oromada ee OLF ayaa ka horyimid riyooyinka abiy oo ku tilmaameen kuwo uga sii daraya xaalada gobolka xili ay masuuliyiinta gobolada uusan midkoodna ku dhiiran in ka hadlo iska daaye xitaa deeganadiisa u ogolaado dadweynaha dareenkooda wadaninimo in ay muujiyaan

Somalia ayaa u mari karta wadooyin ka halis badan midka uu Abiy doonayo In uu ku kala dhantaalo midnimada dalka dhawaan ku biiray bariga Africa EAC

Dad badan oo Somali ah ayay la yaab iyo amkaag ku noqotay aamusnaanta dheer ee madaxda gobolada iyadoo dalka iyo dibada ay ka jirto dibadbaxyo caro leh oo ku aadan in Itoobiya saldhig military ka sameeysato deegaanka seylac ,si maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland uu shear uga helo diyaarada Itobiyan Airline

Damaca Ethiopia Ee Dakadd Ka Raadinta Biyaha Somalia Waxay Dejinaysaa Gobol aan Xasilloonayn

Damaca Ethiopia Ee Dakadd Ka Raadinta Biyaha Somalia Waxay Dejinaysaa Gobol aan Xasilloonayn Iyadoo Dhaqdhaqaaq Diplomasiyadeed Iyo Dagaal Dhinaca Sharciga Ah Ooy Qaaday Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh Uu Durba Biloowday

Siyaasadda Juquraafiga Geeska Afrika waxay mar horeba bilawday gubasho sanadka cusub 1-dii January, 2024 markii Abiy Axmed, iyo Muuse Biixi Cabdi, ay ku dhawaaqeen war lama filaan ah, Iyadoo Is-afgaradka Itoobiya ay ku dooneyso inay ku soo gasho biyaha Somalia uu sii xumeeyay qeyb ka mid ah adduunka oo markii horeba ku jiray xaalad kacsanaan ah

Maamulka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay warka sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in ay ka baxdo siyaasadda Midowga Afrika ee ku aaddan dib u habeynta khariidadda qaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. “

Abiy wuxuu khalkhal gelinayaa Soomaaliya,” ayuu yiri la taliyaha Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya Mr Xusen Macalin

Midowga Yurub ayaa ku adkeystay in la ixtiraamo madax-banaaniada Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay is-afgarad muran dhaliyey la saxiixatay Somaliland.

Baarlamaanka Carabta ayaa gabi ahaanba diiday tallaabo kasta oo dhaawaceysa Qarannimada, Madax-bannaanida JFS iyagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Masar Oo ku Taageertay Dowlada Somalia Mowqifkeeda ku adaan heshiiska Abiy Iyo Muusa Biixi ayaa ka digtay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka saacado kadib markii madaxweynayaasha Somalia & Egypt ay kuwada hadleen khadka Talefanka

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu sheegay in heshiiskan uu u adeegi doono oo kaliya in lagu sii huriyo taageerada Al-Shabaab, kooxda jihaad doonka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida , kuwaas oo hada u muuqda in uu gabalkoodu sii dhacayo..

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ka hadlay Shirkii IGAD ayaa Itoobiya uga digay ficilo xadgudub inay gobalka ka samayso