Maxaa dhex maray gabadhan Soomaaliyeed iyo shaqaalaha Ethiopian Airlines?

21-July-2024

Shirkadda dayaaradaha Ethiopian Airlines ayaa shaacisay in fiidiyow aad loogu wadaagay baraha bulshada oo muujinayey muran dhex maray gabar la sheegay inay Soomaali tahay iyo shaqaalaha dayaaradda uusan ahayn mid “si sax ah uga turjumaya xaqiiqda”.

Fiidiwoyga oo sida muuqata uu qaaday qof dayaaradda gudaheeda saarnaa ayaa waxaa ka muuqda gabar rakaabka ka tirsan oo ay shaqaalaha dayaaradda u sheegayaan in ay dayaaradda ka degto, ayaduna ay diidan tahay.

Arrintan ayaa baraha bulshada aad ugu faaftay, ka dib markii uu bartiisa soo dhigay weriyaha TVga CNN Larry Madowo.

“Qofka rakaabka ah ayaa la weydiistay in ay dayaaradda ka degto sababtoo ah kurigeedii waxaa fariistay wasiir” ayaa qoraalka lagu qoray.

Dayaaradda ayey ka dejiyeen ayadoo qaylinaysa oo aan raalli gelin la siin. Waxba kuma aysan samayn wasiirka. Waa weji gabax” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey Larry Madowo.

Fiidiyowga oo weriyuhu uu soo dhigay baraha bulshada ee uu ku leeyahay X, Facebook iyo TikTok waxaa marka la isku geeyo la daawaday 8 malyan oo goor

Jawaabta Ethiopian Airlines

Shirkadda Ethiopian Airlines oo ka jawaabeysa eedeynta ah in gabadha si khasab ah looga dejiyey dayaaradda ayaa saacado ka hor soo dhigtay barteeda Facebook qoraal ay dhankeeda kaga warramayso sida ay wax u dheceen, waxayna sheegeen in ay baaritaan ku samaynayaan sida ay wax u dheceen, “natiijadana ay shacabka la wadaagayaan”.

“Taariikhda sare ku xusan duullimaadka waxaa soo foodsaaray xaalad ah tikidho badan oo la jaray. Seddex qof oo watay warqadda dayaaradda fuulo oo ku jiray heegan ayaa yimid irrida dayaaradda laga fuulo daqiiqado ka hor xilligii ay dayaaraddu bixi lahayd. Saraakiishii fuullimaadka qaabilsanayd ayaa ku wargeliyey in duullimaadku buuxo oo la saari doono duullimaadka xiga. Waxay iska dhego tireen talada sarkaalka fuullimaadka, waxayna isku dayeen inay dhinac maraan shaqaalaha amaanka ee iridda dayaaradda laga fuulo.

Shaqaalaheenna ayaa si asluub leh uga codsaday rakaabkaas inay degaan. Mid rakaabka ka mid ah wuu ogolaaday codsiga, labada kale waxaa dayaaradda ka dejiyey dadka amniga qaabilsan ka dib markii ay u hogaansami waayeen” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda Ethiopian Airlines.

Ethiopian Airlines

Fiidiyowga oo BBC ay aragtay, socdayna 37 seken, ayaa waxaa ka muuqday gabadha oo Af-Ingiriis ku leh “waxba igama gelin, dhib ii yaalla ma aha”. Waxaa kaloo hadalkeeda ka mid ahaa “ma samayn karo middan waayo waa dadka aad jeceshihiin, qof walbana waa canshuur bixiye” iyo “wasiirka ayaa degaya”.

Shirkaddu waxay meesha ka saartay in kuraasta rakaabka loo qoondeeyo “dad maqaam sare leh (VIP)”, laakinse waxay qoraalkeeda ku sheegtay in dadka VIPda ah, kuwa raacaaya qaybta qaaliga ah ee dayaaradda iyo kuwa ku jira barnaamijka Platinum Sheba miles marka hore laga bilaabo inay fariistaan, ka dibna rakaabka kale ay ku xigsadaan.

Arrintan oo si weyn loogu wadaagay baraha bulshada ayaa dhalisay dareen aad u kacsan, ayadoo Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

Laanta afka Oromo ee BBC ayaa qortay in rakaab aad u badan oo tikidho soo goostay ay ka soo duuleen magaalada Finfinne, ayna u socdeen magaalada Nairobi Jimcihii, ayadoo tikidhadaas ay ka badnaayeen inta ay dayaaraddu qaadi kartay. Duullimaadka oo tirsigiisu ahaa ET 308 ayaa 19 Luulyo, 11:15 daqiiqo ka soo kicitimay Addis Ababa, isagoo ku wajahnaa Nairobi.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC uma aysan suurto gelin inay hesho xiriirka ama macluumaadka gabadha dayaaradda laga dejiyey ee fiidiyowga ka soo muuqatay, iyo aragtideeda ku saabsan dareenkeeda iyo wixii dhex maray ayada iyo shaqaalaha shirkadda