Maxaa Iska galay Marin,hababinta kiiska ikraan ,majaxaaninta doorshada iyo mudo dheereeysiga farmaajo ?

Friday “24” September “2021”

Marin,hababinta kiiska ikraan tahliil majaxaaninta doorshada iyo mudo dheereeysiga farmaajo ayaa noqday mashaakilka somalia u diiday horey u socoto

KA HOR SOO IFBIXII KIISKA IKRAAN TAHALIIL

Kala aragti,duwanaan xaga siyaasada oo lugaha kula kula jirta qilaaf daboolan ayaa la dareemayay in uu ka dhax jiro madaxweynaha mudo,xileedliisu dhamaaday maxamed cabdulaahi farmaajo iyo raysilwasaaraha xukuumada xil,gaarsiinta maxamed xuseen rooble

BBC laanteeda AF soomaaliga ayaa qortay daabacaad ay dib ugu eegeeyso Inta jeer ee ay is khilaafeen Farmaajo iyo Rooble

Haddaba imisaa goor ayay is qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble?

Safarkii Ra’iisul wasaaraha ee Kenya

.

Wuxuu khilaaf kale soo baxay markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu booqashada ku tagay dalka Kenya. Laakiin xafiiska Rooble ayaa xilligaas beeniyay in uu khilaaf u dhexeeyo labada masuul.

Booqashada Rooble waxa ay muujisay inuu daggan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan – Soomaaliya iyo Kenya – balse safarkaas wuxuu yimid maalmo ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayay in wax heshiisyo ah lala galo dowlado shisheeye, ilaa inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka.

Safarka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Kenya ayaa ka dhashay casuumaad rasmi ah oo Uhuru Kenyatta u fididay. Waxaa warqadda casuumaadda Muqdisho ugu gyesay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

Markaasi ka dib ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tegay Kenya, wuxuuna la kulmay madaxweyne Kenyatta. Kulamadaas loogama wada hadlin kiiska badda ee labada dal, sida uu Rooble sheegay.

Heshiisyada caalamiga ah

Bilowgii bishii August ee sannadkan, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku hakinayay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad “taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.”

Qoraalka Villa Somalia waxaa lagu sheegay: “Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta hantida qaran iyo madaxbannaanida dalka, wuxuu xeer Madaxweyne ku joojiyay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is-afgarad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga”.

Balse, War-saxafaadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in haayadaha dawladdu ay sii wataan shaqadooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri: “Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray ra’isul Wasaaraha.”

Markaasi ka dib ayaa waxaa dadka qaar oo siyaasadda u dhuun daloola ay sheegeen in marka la eego qoraalladii ka soo baxay dhinacyada raysal wasaaraha iyo madaxweynaha ay muuqdeen in khilaaf soo kala dhex galay madaweyen Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaas oo la xiriira kala aragti duwanaan ay dad badan u arkaan in ay salka ku hayso awoodaha dastuuriga ah. Inkastoo Raysal Rooble gaashaanka u daruuray in jiri khilaaf u dhaxeeya isaga madaxweyne Farmaajo

SHAACINTII DILKA IKRAAN OO UGA SII DARTAY KHILAAFKA ROOBLE IYO FARMAAJO

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa beeniyey hadal kasoo yeeray hay’ada sirdoonka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hadalkaasi oo ahaa in Al-shabaab ay ka dambeeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaalad u shaqeyneysay hay’adda NISA War lagu baahiyay Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka dambeeynin dilka gabadhaas, wax shaqo ahna aysan ku lahayn dilka iyo afduubka lagula kacay Ikraan Tahliil.

Dagaalamayaasha Al-shabaab waxaa ay sheegeen in dilkaasi aysan lug ku leheyn, waxaana ay intaas ku dareen in dowladdu ay masabidatay oo ay dusha ka saartay kiis aysan lug ku laahyn, waa sida lagu sheegaye warka lagu daabacay warbaainta taageerta Al-shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa siyaasadda ka faallooda waxay sheegayaan in khilaafkan uu saameyn karo doorashada socota ee horeyba dib uga soo dhacday wakhtigeeda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil iyo Ugaaska Beesha Gaaljecel

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.

Muddo ka badan 2 bilood ayaa nolol iyo geeri lagu la’yahay Ikraan Tahliil oo kamid ahayd shaqaalaha hay’adda NISA , inkastoo war ay soo saartay hay’adda nabad sugidda ku sheegtay in ay afduubteen Al-Shabaab kadibna dileen, balse war ay soo saareen Al-Shabaab waxay ku beeniyeen eedeyntaas.

Labadan hoggaamiye ee ugu sarreeya Soomaaliya, wuxuu khilaafkooda sii xoogeystay ka dib markii uu adkaaday kiiska Ikraan Tahliil, taas oo sababtay in Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay inuu xilka ka qaaday agaasimaha NISa, Fahad Yasiin.

Waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya o犀利士 o ay dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay ka dib in muddo ah oo la la’aa. Balse Al-Shabaab ayaa beeniysay arrintaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu shaqada uga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin.oo xudun u noqday khilaafka labada masuul

Ka dib madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo saaray qoraal faraya in Fahad Yaasin uu sii wato shaqadiisa madaxa sirdoonka dalka, inkastoo markii dambe shaqo kale looga magacaabay madaxtooyada.

Fahad Yasiin
NINKA XUDUNTA U AH QILAAFKA FARMAAJO & ROOBLE

Markii uu Rooble shaqada ka joojiyay agaasimaha hay’addaas, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir – oo la sheego inuu saaxiib dhow la yahay Farmaajo – falcelinta madaxweynuhu waxay ahayd inuu markii hore xilkiisa ku celiyay, kaddibna uu u dallacsiiyay jago taas ka sarreysa oo ah la taliyaha amniga qaranka.

Magacaabistaas oo laga diiday dhanka warbaahinta qaranka markii Bogga Telefashinka Qaranka laga saaray Wareegtadii uu soo saaray Farmaajo ee Fahad yaasiin xilka cusub u dhiibaysa

Intuu socday khilaafka hadda ugu dambeeya, Farmaajo iyo Rooble ayaa qaaday tallaabooyiin iska soo horjeeday oo xaaladda uga sii darayay,,sidaas ooy tahayna Rooble iyo Farmaajo waxay wada hadal albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Muqdisho, illaa dhowr goor, sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhow, balse wax natiija ah oo wanaagsan kama aysan soo bixin.

Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay.

Rooble ayaa ka digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo kiiska Ikran Tahliil Faarax, isagoo intaa ku daray in ciidanka ay ka fogaadaan wax kasta oo sumcaddiisa wax u dhimi kara, kalsoonida shacabka Soomaaliyeedna dhaawici kara.

Xaaladda waxay sii xumaatay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in “awoodaha fulinta uu ka xayuubiyay” Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in “Ra’iisul wasaaraha uu jebiyey dastuurka ku-meel-gaarka ah.”

Rooble ayaa isna gaashaanka u daruuray awood ka xayuubinta uu madaxweyne Framaajo ku sameeyay, taas oo sharci darro uu ku tilmaamay.

Raadinta Cadaalad Ay helaan Qooyska Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyay In ay dishay hayadda NISA ayaa Rooble ka horkeentay farmaajo oo arintaas ku Khilaafay

Khilaafka furan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul -wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo magac ahaan ku salaysnaa baadhitaan dil, ayaa ka dhigan inay sii kordhayso xiisadaha bilaha ah ee u dhexeeya iyaga oo ku sugan dal ay hore uga dhaceen weerarro iyo is -qabqabsi qabiil.

Waxay kicisay Isniintii markii Rooble uu shaqada ka joojiyay Fahad Yaasiin, agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), isagoo sheegay inuu ku guuldareystay inuu soo gudbiyo warbixin ku saabsan kiiska mid ka mid ah wakiilladeeda oo la waayay bishii June.

Rooble ayaa u magacaabay nin kale oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Jaamac oo si ku meel gaar ah u ahaan doona taliyaha NISA.

Madaxweynaha ayaa tallaabada Rooble ku tilmaamay mid ka soo horjeeda dastuurka, ayaa goor dambe,oo isla malintaas ah wuxuu u magacaabay nin saddexaad, Yaasiin Cabdullaahi Maxamed, in uu madax ka noqdo hay’adda NISA

Rooble iyo Maxamed ayaa isku dhacay bishii Abriil markii madaxweynuhu kaligiis u kordhiyay afarta sano ee uu xilka hayo laba sano, taas oo keentay in kooxihii ciidammada ee daacadda u ahaa ay qabsadaan jagooyinka iska soo horjeeda ee caasimadda Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa la xaliyay markii madaxweynuhu uu Rooble u xil saaray amniga iyo abaabulka doorashooyinka sharci dajinta iyo madaxtooyada ee dib u dhacay. Hawshaasi waxay ahayd in la soo gabagabeeyo bisha soo socota laakiin dhowr maalmood ka hor ayaa dib loo riixay.

MUDO DHEEREEYSIGA FARMAAJO IYO MAJAXAABINTA DOORASHADA

Waxaa hada gabo,gabo maraya sanad ka mid ah labadii sano ee loo diidanaa in uu ku darsado faraajo taas oo rabshadihii ka dhashay ay sababeen in laga laabto wuxuuse maslaxdiisa mudo sii dheereeysiga ka dhax arkay majaxaabinta doorashada Isaga oo arintaas meelmar si ay u noqoto diifaaca fahad yaasiin hubka ugu weeyn dareenka dadka iyo dadaalka rooble ka jeedin karta dardargalinta doorashada

Ma soo hadal qaadi doono dib u dhaca uu dalka u soo jiiday ,doorashada uu ku fashilmay Iyo amniga uu uga sii daray wuxuuse taas badalkeed ku nuux nuuxsan doono in uu ku faano dadaalada raysilwasaaraha isaga oo aan jecleeyn dardarta lagu wado doorashashada waqtigeedii ka dib dhacday

Leave a Reply