10- August-2023- AFP
Maxaa ka dambeeya qalalaasaha ka taagan gobolka Amxaarada ee Itoobiya?
Xiisada u dhaxaysa maliishiyaadka deegaanka iyo ciidamada federaalka ayaa kiciyay qalalaasihii ugu xumaa ee dhanka ammaanka ee Itoobiya tan iyo dagaalkii sokeeye ee labada sano ka socday Tigrayga.
Dagaal ba’an ayaa todobaadkii hore ka dhacay gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya, sagaal bilood uun kaddib markii uu dhammaaday dagaal ba’an oo socday muddo laba sano ah oo ka socday gobolka ay deriska yihiin ee Tigrayga.
Xiisada ayaa sare u sii kacaysay tan iyo bishii April, markaasoo dowladda federaalku ay ku dhawaaqday inay baabi’inayso ciidamada gobolka ee Itoobiya oo dhan, taasoo keentay dibadbaxyo ay dhigayaan qoomiyadaha Axmaarada oo sheegay in tallaabadani ay wiiqi doonto gobolkooda.
Kadib dagaal maalmo socday oo u dhaxeeyay ciidamada iyo dagaalyahanada maleeshiyaad ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa Arbacadii sheegtay in magaalooyinka waaweyn ee gobolka Axmaarada laga saaray maleeshiyaad deegaanka ah.
Ilaa hadda si rasmi ah looma hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse dhaqaatiirta isbitaalka ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen
Yaa wada dagaalamaya?
Dagaalkan oo ahaa mid aad u qaraar ayaa ciidamada Federaalka – ee loo yaqaanno Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) waxay la dagaalameen Maleeshiyada Faano ee deegaanka.
Fano waa maleeshiyo aan rasmi ahayn oo aan lahayn haykal talis oo si guud loo yaqaan oo ka soo qaata mutadawiciinta dadka deegaanka
Inkasta oo Fano aanu ku dhawayn qalabkii iyo habayntiisa, haddana dadka wax falanqeeya waxay sheegeen in ay weli khatar weyn ku noqon karto dawladda haddii halgankeedu uu helo taageero baahsan.