Maraykanka oo Ka Horyimid Qorshaha Imaaraatka Carabta ee, u Janjeera Boobka Itoobiya ee Badda Somalia

19- January-2024 Imaaraatka Carabta oo qorsheeynayaa in uu Itoobiya ku gacansiiyo boobka bada Som壯陽藥 alia,

Maamulaha Guud ee DP World Sulthan Axmed ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnin, xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee Addis Ababa.

Sulthan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa LinkedIn ku sheegay in DP World ay aad ugu faraxsan tahay inay sii qoto dheeraato wada shaqaynta labada dhinac.

“Si wadajir ah, waxaan u qaabeyneynaa mustaqbalka ganacsiga caalamiga ah, hal-abuurka, iyo barwaaqada. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqno sida ay nooga go’an tahay tayeynta Dekedda Berbera oo ah marin muhiim ah oo isku xidha gobolka,” ayuu u dhigna qoraalka Maamulka Guud ee DP World.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Iskaashigan istiraatijiyadeed kaliya ma xoojinayo xiriirka dhaqaalaha laakiin sidoo kale wuxuu u gogol xaarayaa koboc waara. Marka aynu safka hore kaga jirno isbeddelka, isbahaysiga DP World iyo Itoobiya waxay ka dhigan tahay tallaabo geesinimo leh oo loo qaaday mustaqbal ifaya oo xidhiidhsan.”

Imaaraadka oo muddo ka aamusna heshiiska ay sida weyn uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor taageero buuxda u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib xiisaddii ka dhalatay is-afgaradka sharci-darrada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Khalifa Shaheen Almarar oo hogaaminayey wafdi sare oo Imaaraadka uga qeyb-galay shirka wasiirada arrimaha dibedda Jaamacadadda Carabta ee ay codsatay dowladda federaalka, ayaa laga soo saaray qaraar lagu taageerayo Soomaaliya.

“Maraykanku 🇺🇸 waxa uu aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 🇸🇴 madax-banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed, oo ay ku jirto Somaliland.

Waxaanu aaminsannahay in maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla Soomaalida oo ay ku jiraan reer Somaliland. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in kororka xiisadda ka dhalatay heshiiska is-afgaradka uu halis gelinayo dagaalka ay Soomaalida, oo ay weheliyaan Afrikaanka iyo saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah – oo uu ku jiro Mareykanka – ay ku qaadayaan al-Shabaab. …

Waxaan ku boorrinaynaa [Soomaaliya iyo Itoobiya] inay ka fogaadaan falalka degdega ah… oo u abuuri kara al-Shabaab fursado ay ku ballaariso awooddeeda…” – Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Mike Hammer. @IGADsecretariat @_AfricanUnion

Leave a Reply