Maxaa ka jira In Xasan Shiih Iyo Siciid Dani ay ku kulmayaan magaalada Gaalkacyo?

22- August-2023″

Maxaa ka jira Madaxweynaha Xasan Shiih Iyo Madaxweynaha Maamul-goboleeddka Putland inay ku kulmayaan magaalada Gaalkacyo?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay isugu tegaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo, si ay u yeeshaan wada-hadallo gaar ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni ay ku kulmi doonaan magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo, si ay uga wada-hadlaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka ah iyo Puntland.

Warar aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in haatan madaxweynaha Puntland uu ku maqan yahay dalka Imaaraadka, balse todobaadkan gudihiisa uu ka dagi doono magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay isku arki doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadda jooga magaalada Dhuusamareeb oo uu tegay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Kulanka labada mas’uul ayaa billow u noqon doono wada-hadallada toos ah oo u dhex mara Muqdisho iyo Garoowe, si meesha looga saaro mad madowga soo kaala dhex-galay madaxda sare ee maamulka Puntland iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedka ayaa ah in la dhammeeyo xiisadda ka dhex aloolsan labada dhinac, si xal waara looga gaaro khilaafkan oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntooda.

Siodo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Puntland sidoo kale uu kulamo ka bilaabi doono  Gaalkacyo, sidoo kalena uu uu furi doono koobka gobollada

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadka soo socda la filayo in shirka golaha wadatashiga qaranka uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, mana cadda inuu ka qayb-geli doono Saciid Deni oo horay u diiday shirkii golahaasi.

Dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysa inay wax ka beddal ku sameyso siyaasadeeda, si ay hoos ugu dhigto khilaafaadka ka jira deegaanada qaar iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Leave a Reply