Maxaa Ka Mid Ah Qodobada Raysilwasaare Xamza ee ku jira khudbad uu ka jeedinayay Fadhiga loo dhanyahay Qaramada Midoobay ee New York ?

23- September-2023- New York

Raysilwasaaraha Somalia ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay In Somalia laga qaado cunaqabateynta hubka ee mudada 30-ka sano ka badan saaran,

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeedinayay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa arintan ku sababaeeyay dadaalka at dowladu uga jirto inay ka adkaato argagixisada, Iyo in ciidanka qaranka ay awood u yeeshaan la wareegista ammaanka guud ee dalka.

Raysilwasaaraha ayaa xusay horumarka ay Somalia ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda Argagixisada ah ee Alshabab oo u sheegay in dowladda ay ku guuleysatay 45% inay ka bixiso gacantooda deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen.

Raysilwasaaraha Xamza oo ku dheeraaday dadaalka ay dowladda Somalia ugu jirto homarinta arrimaha bulshada ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, ayaa yiri “Dalkeena Somalia waxaa ka dhacay abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana waxaan codsaneynaaa in nalaga gacan la siiyo xal u helista dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo burburka cimilada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka.

Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, addresses the general debate of the General Assembly’s seventy-eighth session.

Leave a Reply