Dib u dhac mar kale ku yimid ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda Somalia oo maanta lagu waday in la shaaciyo


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

1″ Aug”2022″ Radio Kulmiye

Waxaa dib u dhac ayaa ku yimid ku dhowaaqista golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo la filayay in galabta lagu dhawaaqo, sida ay sheegayaan wararka ay heshay idaacadda Kulmiye.

Sababta ka dambeysay dib u dhaca ayaa lagu sheegay kadib markii dood adag ay ka dhalatay qofka loo magacaabayo ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee Soomaaliya.

Xubnaha siyaasiyiinta ee ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliland ayaa dood ka keenay liis la sheegay inuu ku qornaa, islamarkaana maanta ay u badneed in uu ku soo baxo xildhibaan Biixi Iimaan Cige, sida KNN u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Intaa kadib dooda markii ay dheeraad ayaa la sheegay in Madaxweynaha iyo ra’iisul Wasaaraha ay yeesheen kulan dheer oo saacado badan qaatay, taasina waxaa ay keentay in dib loo dhigo ku dhawaaqista golaha wasiirada, islamarkaana xal laga gaaro tabashada iyo muranka ka raagan cida noqonaysa R/wasaare ku xigeenka cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan dadka lagu wado in ay kamid noqdaan golaha wasiirada ee la saadaalinayo ayaa waxaa ka mid ah, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, C/risaaq Cumar Maxamed, Dr Cilmi, Biixi Iimaan Cige, Maxamuud Beene-Beene, Faarax Sheekh Cabduqaadir, Abshir Bukhaari, Cali Balcad, Ilyaas Cali Xasan iyo masuuliyiin kale, inkastoo wax kasto ay is badeli karaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la filayo in beri la shaaciyo golaha wasiirada, maadaama kulamo gooni gooni ah, tan iyo galabta uu ka socda xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Soomaaliya.

Leave a Reply