Thursday 2″ Dec ” 2021″
W/Qalinkii. Axmed-saadaq Y Maxamed.
Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho Isniintii la soo dhaafay ku tagay dalka Qatar, iyadoo ay wehelinayaan Marwada1-aad ee Madaxweynaha, Saynab Cabdi Macallin, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Isboortiga Xamza Saciid Xamza iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab.
Farmaajo ayaa wuxuu la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thani oo uu ka dhaxeeyo xiriir dhow, maadaama Doha ay noqotay mid kamid ah deeq bixiyayaasha ugu weyn ee dowladda xilligeeda dhamaaday oo uu garwadeeka ka ahaa ina Farmaajo.
Safarka Farmaajo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, tiiyoo la rabay inay dalka ka dhacdo doorasho dadban oo lagu dooranayo Aqalka Hoose, taasoo qeyb ka ah 2-Aqal ee Baarlamaanka kuwaasoo si wada jir ah u fariisanaya codeynta Madaxweynaha soo socda.

Inkastoo musharrixiinta la tartamaya Farmaajo ay dnawaan ku dhawaaqeen inay ka baxayaan doorashadii Baarlamaanka oo ay sheegeen in lagu shubtay.
“Haddanu nahay golaha musharaxiinta xilka Madaxweynaha marnaba ma aqbali doono doorashadan lagu shubtay”. ayuu ku dooday Cabdishakuur Cabdiraxmaan oo ka tirsan golohaas isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir.
“Kulamada wadatashiga ee golaha ee xubnahooda, kulammada ay la yeelan doonaan Ra’iisul wasaaraha iyo qeybaha kale waxay diiradda saari doonaan hab kasta oo lagu gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah.”
Ma cadda saameynta ay ka bixitaankooda ku yeelan karto, gaar ahaan maadaama aysan midna ku jirin xubnaha u tartamaya kuraasta Aqalka Hoose, balse ay ku tiirsanaan karaan natiijada ka soo baxda si ay u kala shaandheeyaan fursadahooda madaxtinimo.
Si kastaba ha ahaatee, baaqyadoodu waxay noqon karaan qeyb ka mid ah ololaynta sii kordheysa iyadoo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ay ku baaqayaan in la joojiyo wax kasta ooo dhaawici kara hannaanka doorashada si wax looga qabto tabashooyinka ay soo jeediyaan u tartamayaasha madaxweyninimada dalka.
Todobaadki hore ayay aheyd markii gudoomiyihii hore ee Aqalka Hoose mudane Maxamed Jawaari uu muran badan ka dhashay kursigiisa xildhibaanimo, lagana saaray liiska musharaxiinta maamulka Koonfur Galbeed ee xiir dhow la leh kooda villada fadhisa ee waqtigooda dhamaaday..
XAYEEYSIIN

Doorashooyinka ayaa waxaa qabanqaanaya guddiga doorashada deegaanka (SEIT) kadib markii hay’adda federaalka (FEIT) ay sheegtay in doorashada la hakin doono ilaa arrimaha la isku hayo laga wada hadlayo.
Pro. Jawaari ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay dooneyso inay ka hortagto inuu difaacdo kursigiisa Baarlamaanka.
Kadib dhacdadii Jawaari, Cabdi Ceynte, oo ah aas aasaha Machadka Siyaasadda 壯陽藥 Dadweynaha ee Heritage, oo ku sugan Muqdisho, ayaa ka digay in Soomaaliya ay si taxadar leh ugu talaabsato arrimaha taagan ee doorashooyinka, gaar ahaan maadaama aysan lahayn awood ay wax kaga qabato dhibaatooyinka doorashada ka hay’ad ahaan.
“Waa wax laga xumaado, Soomaaliya in doorashada socota ay ka maqan tahay hannaankii saxda ahaa ee aasaasiga ahaa, waxaana hubaal ah inay horseedi doonto natiijo lagu muransan yahay. Soomaaliya aad bay u jilicsan tahay in lagu maareeyo doorashooyinka lagu muransan yahay,” ayuu yiri Ceynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta mar uu qoraal soo dhigay Twitter-kiisa.
“Guulaha la sameeyay in ka badan 20-sano ayaa halis ku jira. Hogaamiyeyaashu waa inay saxaan habka si looga hortago musiibada soo socota. “
Doorashada Aqalka Hoose ayaa lagu waday inay socoto illaa 26-ka December ee sanadkan, islamarkaana dhammaan 5-dowlad goboleed ay soo dooranayaan xubnaha ka mid noqonaya 275-ka xubnood ee Aqalka Hoose ay soo dhameystiraan.
Hayeeshee qaar ka mid ah Soomaalida ayaa ka cabsi qaba in lagu degdego doorashada ay fashilin karto hadafkii laga lahaa.
“Ujeeddada ugu weyn ee doorashadu ma aha in mid meesha laga saaro oo mid kale oo gacan ku rimis la rakibo. Waxay hiigsanaysaa in dib loo cusboonaysiiyo oo kor loo qaado kalsoonida ay ku qabaan xukuumadda,” ayuu ku dooday Aadan Aw Xirsi oo ka mid ahaa saraakiishii dawladdii hore ee Soomaaliya, haddana ah falanqeeye siyaasadeed.

Dhanka kale, Xafiiska Farmaajo ayaa sheegay in isaga iyo Amiirka Qatar AThani ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal si ay uga faa’ideystaan labada dhinac”.
Qatar, inkastoo ay dhaqaale badan ku bixiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa aad u neceb qaar ka mid ah mucaaradka oo dareemaya in Dooxa ay iska indha tirto marka Muqdisho ay jabiso sharciga doorashooyinka xorta ah iyo xorriyadda rayidka.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin, haddana Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu tartan xooggan ka galo doorashada soo socota, taasoo ay ugu wacan tahay tirada ugu badan ee musharraxiinta mucaaradka ah ee la filayo inay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaarihii hore. Xasan Cali Khayre.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horaantii bishii October booqasho ku tagay dalka Qatar, si uu dhaqaale ugu uruuriyo doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa shaki geliyey booqashadii Rooble, sababtoo ah dhowr maalmood kadib markii uu ka soo laabtay Qatar, wuxuu la heshiiyey Farmaajo, waxayna ku heshiiyeen inay caadi ka dhigaan xiriirkooda oo muddo 2-bilood ka badan ahaa.
Bilihii Ogosto iyo September, Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku khilaafay arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan awoodaha magacaabista mas’uuliyiinta iyo kiiska haweeney la sheegay in la la’yahay oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka, NISA, Ikraan Tahliil Faarax.
Ugu dambeyntii la arki doonee halka ay biyo shubato doorashada Soomaaliya.
W/Qalinkii. Axmed-saadaq Y Maxamed.
