14″ September “2022” Dheeho
Maxaa ku qarsoon mustaqbalka quruxoon ee Aljazeera ay sheegtay inay ka dhax aragtay argagixisada Shabab xili dadka soomaaliyeed iyo dowladoodaba ay ku baraarugeen dagaal ka dhan waxay ugu yeereen cadowga noloshooda?
Warbixin lagu dabaacay warbaahinta Aljazeera oo lagu saleeyay aragtidii j犀利士 irtay 2021 dii ayaa buunbuunin iyo xayeeysiin aan horey loo Arag u sameeyneeysa argagixsada kooxda shabaab oo xiriir la leh ururka AlQacida
Warbixintan oo ciwaan looga dhigay Soomaaliya gudaheeda, maxkamadaha al-Shabaab ayaa ku guulaysta dad badan oo diinta soo galay ayaa lagu duray hayaddaha garsoorka dalka iyo dowladanimada somalia
Waxaana ninka warbixinta daabacay uu iska indha tiray naceeybka dadka soomaaliyeed u hayaan kooxda argagixsada ah ee shabaab oo deegaano badan maanta ay dadka rayidka ah dagaal kaga bilaabeen
In la soo hadalqaado dowlad iyo shacab dagaalka ka dhanka ah argagixsada ha joogtee Taas badalkeed waxa qormada aljazeera ay leedahau” Soomaali badan ayaa luminaya kalsoonida hannaanka gaabiska ah ee garsoorka dalka oo cabashadooda u gudbinaya kooxda hubeysan
Been ,Aburka Aljazeera ay sheegtay Somalia ayaa Waxaa ka mid ah
Sida nidaamka garsoor ee isbar-barya u shaqeeyo
Kooxdan ayaa fadhiyo maxkamadeed ku leh deegaanada ay ka taliyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxayna maxkamado guurguura ku leeyihiin dhulalka ay dowladdu maamusho. Fadhiyada waxa ka soo qayb gala oo kaliya cabashada, eedaysanaha, markhaatiyaasha iyo dacwoodayaasha kale ee jooga wakhtiga dhagaysiga.
Tiro ka mid ah dadka u dhuun daloola arrimaha Al-Shabaab oo si qarsoodi ah ula hadlay Al-jazeera ayaa sheegay in aysan bixin wax lacag ah si ay dacwad u gudbiyaan balse kooxdan ay inta badan dakhli ka soo galaan Zakada, Sadaqada waajibka ah ee ay bixiyaan ganacsatada iyo dadka hantida leh.
Sida ay wararku sheegayaan, dacwadaha la dhegeysto oo ay go’aamiyaan laba ilaa saddex xubnood oo kooxda ah ayaa si weyn u daraaseeya doodaha labada dhinac, caddaymaha la soo bandhigay iyo bayaannada markhaatiga. Xubnaha al-Shabaab ayaa markaa adeegsada fahamkooda shareecada Islaamka si ay u gaaraan xukun.
Ciqaabtu waxay u dhaxaysaa dhawr boqol oo jeedal oo bakoorad sino ah, ilaa ciqaab dil ah kiisaska sida dilka. Kiisaska ay dacwoodayaashu ama jawaab-bixiyeyaashu ku qanci waayaan go’aannada la gaaray, waxay xaq u leeyihiin inay racfaan ka qaataan.
Xataa kuwa qurbajoogta Soomaalida ayaa hadda u soo jeestay kooxda.