Maxaa ku qornaa warqadii sirta ahayd ee loo diray taliyihii ciidanka Maraykanka ee weeraray Caydiid?

6- October-2023

Dagaalkii ka dhacay Muqdisho horraantii Oktoobar 1993 wuxuu ka nixiyey maraykanka badankiis. Ciidanka maraykanka waxaa Soomaaliya loo geeyey in ay taageeraan hawlgalkii Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta, waxayna gacan ka gaysteen inay soo afjaraan gaajada oo ay badbaadiyaan boqolaal kun oo qof.

Laakiinse 10 bilood ka dib waxay dhexda ka galeen dagaal, waxaana uga dhintay 18 askari, khasaaraha Soomaalida soo gaarayna intaa aad ayuu uga badnaa, waxaana TVyada laga daawaday meydadka askarta maraykanka oo ay jiidayaan dad caraysan.

Intii aysan arrimuhu sidaa noqon, sarreeye gaas David Meade oo ka tirsan milateriga Maraykanka, taliskiisuna ahaa ciidanka ugu badan ee nabad ilaalinta si cad ayey ugu muuqatay in xaaladdu ay sidaa noqonayso.

Todobaadyo ka hor dagaalka warqad sir ahayd oo uu diray taliyaha ciidanaka Maraykanka wuxuu uga digay in Somalia uu qarax ka soo socdo. “Waxay u badan tahay in dagaal weyn uu muddo idin qabsan doono, khasaarena uu ka dhalan doono”, ayuu ku yiri warqadda oo uu qormo ka qoray wargayska The New York Times. “Aakhirkana magaalada waxaad gacanta u galinaysaan Soomaalida”. Jeneraalka wuxuu dalbaday in la qaado talaabooyin degdeg ah, kuwaasoo saadaal u sii noqon karay dhacdadii loogu magac daray Black Hawk Down

Maxaa la isaga indha tiray?

“Dagaal ayaa Soomaaliya nooga socda, marka halaga fiirsado dhinaca farsamada la adeegsanayo iyo dhinaca hawlgalinta, si wanaagsan uma socdaan. Muqdisho gacanta nooguma jirto si buuxda, Soomaaliyana khatar badan ayaa ka buuxda”, ayuu ku yiri qoraalka.

“Fursadda iyo dhiirranaanta” Maxamed Faarax Caydiid ayuu sheegay jeneral Meade in ay tahay walaaciisa ugu weyn. “Sida ay wax u dhacayaan marka la fiiriyo, jiho khaldan ayey u socdaan, guud ahaanna hawlgalka guud iyo amniga ciidanka Ameerikaanka khatar ayey ku jiraan”.

Wuxuu farriinta toos ugu diray Jeneral Gordon Sullivan, taliyihii ciidanka. Wixii xilligaas ka dambeeyeylama sii dallacsiin, laba sano ka dibna hawlgab ayuu galay Meade .

In yar ka hor intii uusan shaqada ka fariisan ayaa dukumentiga laga saaray qaybta sirta oo laga dhigay mid aan sir ahayn, isaguna wuxuu doonayey in dadku ogaadaan. Wuxuu nuqul dukumentigaas ah siiyey saaxibkiis Charles Krohn oo ah kornayl hawlgab ah. David Meade wuxuu geeriyooday 2019. Dhawaan ayey ahayd markii Col Krohn uu dib boorka uga jafay oo uu la wadaagay wargeyska the New York Times.

“Waxay muujinaysaa inuu sameeyey wixii dadaal ahaa ee uu awooday, wuxuu sii ogaa khatarta, toos ayuuna ula wadaagay taliyaha”, ayuu yiri Krohn.

Saraakiishii waaya aragga ahayd ee uu xukamay jeneral Garrison waxay u badan tahay in ay ogaayeen khatarta sii weynaanaysa. Waxay ahaayeen rag si iskood ah ugu bareeray ciidanka inay kala qayb qaataan hawlgallada khatarta badan.

Dhanka kale waxaa sii xumaanayey xiriirka Soomaalida ay la leeyihiin, miliishiyadii jeneral Caydiid oo noqotay mid isa soo taraysa jawaabana si degdeg ah u bixineysa, waxaana sare u sii kacay adeegsiga hubka yaryar, hoobiyaha iyo baasuukayaasha.

Caydiid

Waa sidii uu sii saadaaliyey Jeneral Meade oo ku tilmaamay dagaal weyn oo dhex mara nabad ilaaliyeyaasha iyo miliishiyada.

“Caydiid wuxuu awood u lahaa inuu isu keeno oo dagaal macno leh uu ku abaabulo laba saacadood gudahood” ayuu Meade ku yiri qoraalka.

Ciidanka degdegta u jawaab celiya oo kaliya ayaa injineerrada iyo taangiyada ka badbaadiyey in laga awood bato oo la laayo sida uu qoray.

Weeraraku “wuu dhib badnaa, sababo la xiriira dhiirranaanata iyo ka go’naanshaha ciidanka Caydiid iyo qorshihii loo dejiyey oo shaqeeyey” ayuu sii raaciyey. Wuxuu ku qiyaasay 300 – 500 oo dagaalyahanno Soomaali ah in la isu keenay, kuwaasoo dhan kasta rasaas uga keenay. “Caydiid wuxuu muujiyey in dagaal magaalo uu dhul ku qabsan karo” ayuu qoray.

Wuxuu Meade ka codsaday Gen Sullivan in uu degdeg u xoojiyo ururadiisii ciidanka, uuna soo rogo Bandow khasab ah, uuna wax ka beddelo xeerarka dagaalka si Soomaalida hubka wadata aragti loogu toogan karo.

Talaabooyinkaas la’aantood ayuu ku dooday in dagaal weyn uu dhici karo, khasaare bandanna uu gaari karo labada dhinac, kaasoo ugu dambaynta keeni kara in QM ay ka baxdo dalka, hawlgalkana uu guul darraysto.

“Dhowr todobaad ka dib saadaashaas way rumowday. Gen Garrison wuxuu qaaday weerarkiisii 7aad oo noqday mowduuca buuggayga ‘Black Hawk Down’” ayuu yiri qoraha maqaalkan.

Sidee ku dhacday in Jeneral Sullivan uu iska indho tiro taladii Jeneral Meade?

Saadaashii Meade waxay garbinaysay midda Gen Garrison. Garrison wuu ka waayo aragnimo badnaa, wuxuuna aaminsanaa in raggiisu ay guul gaarayaan. Xataa dagaalkii 3 Oktoobar ka dib sidaas ayuu rumaysnaa.

Xaqiiqadii fikradda Meade ee ahayd in kacdoonka Caydiid looga guulaysan karay in awood dheeraad ah loo adeegsado oo la keeno askar Maraykan ah oo dheeraad ah ayaa waxaa loo arkay sidii inay la mid tahay dagaalkii Vietnam marka loo eego waxa ay askarta Ranger-ka Marakyanku isku dayayeen.

Istaraatijiyada Garrison waxaa ka buuxay farsamooyin sida in kooxo tiradoodu yar tahay ay qaadaan hawlgallo bartilmaameedyo lagu qaadayo, waana sida dagaallada Ameerikaanka loo qaadayey 30kii sano ee ku xigay.

Xataa dagaalka ka dib, Mr Clinton wuxuu sii laba jibaari karay hawlgalka Rangers-ka ee ka dhanka ah Caydiid, siyaasad ahaanna way adkayd in lagu dheganaado fikradda jeneraal Garrison, laakin dagaalkaas wuxuu sii wiiqay awooddii jeneraal Caydiid oo rag aad ugu dhawaa ay magaalada isaga carareen. Raggii Rangers-ka ka tirsanaa waxay aad u danaynayeen inay si wadaan hawlgalka, waxayna rumaysnaayeen inay guul ku dhow yihiin.

Taa beddelkeedii Mr Clinton wuxuu go’aansaday inuu ka haro hawlgalka, Jeneral Garrison-na wuu is casilay.

Ninka qormadan qoray wuxuu ku soo gabagabeeyey “marnaba ma ogaan karno sidii ay xaaladdu ahaan lahayd haddii warqadda jeneral Meade la raaci lahaa, ama haddii hawlgalka Jeneral Garrison la ogolaan lahaa inuu socdo. Ma garanayno in ka haritaanka hawlgal weyn oo laga haro uu Soomaaliya u horseedayo 30 sano oo kale oo ah dagaal sokeeye, argagixiso iyo burcad badeed caalami ah”.

Aakhiritaankii hawlgalkii nabad ilaalinta ee dhiiggu ku daatay wuxuu ku so afjarmay sidii uu saadaaliyey David Meade, Maraykanka iyo dalalkii xulafadiisa ahaana way ka baxeen Soomaaliya.

Jeneraal Caydiid wuxuu geeriyooday 3 sano ka dib dagaalkaas

US Army

Leave a Reply