Maxaa laga yiri rajada Sare u kaca iyo Hoos-u-dhac dhaqaalaha caalamka sanadka nagu soo foolka leh ee 2023 ?

31″ December “2022” ALJAZEERA

Hoos-u-dhac caalami ah ma ku soo fool leeyahay 2023?

Haddiiba uu jiro hal Erey oo qof walba oo adduuka ku nool uu karaahsaday inta lagu guda jiro tilmaamaha saacadaha ka dhiman sanadka sii dhamaanaya ee 2022, Waa SICIR-BARAR-

Khatarta hoos u dhaca caalamiga ah ee 2023 ayaa kor u kacday iyada oo ay jirto kor u kaca heerka isku mar ah ee kordhinta ribada ama dulsaarka qofba sida uu yaqaaan

Maaddaama bangiyada dhexe ee adduunka oo dhan ay i犀利士 sku mar kor u qaadeen heerka ribada iyaga oo ka jawaabaya sicir-bararka, adduunku waxa laga yaabaa in uu u jiheeyo hoos-u-dhac caalami ah sanadka 2023-da-Guddi khubaro ah oo bixiyay aragtidooda ku saabsan waxa laga filayo sanadka cusub ayaa sidaas yiri-Iyadoo Suurtagalnimada in dhibaatooyin dhaqaale oo is-daba-joog ah ee suuqyada soo koraya iyo kuwa koray ay u geysan doonaan waxyeello ayaa arin meesh laga saari karin,

Adduunka oo dhan, badeecadaha iyo adeegyadu maalin walba aad ayay qaali u noqonayaan-iyadooKor u kaca qarashka ay nolosha ku sii adkeyn doonaan dad badan oo dunida ku nool, kuwaas oo la daalaa dhacaya iibsashada raashinka, bixinta biilasha iyo buuxinta haamaha shidaalka.

Khuburada qaar ayaa muujinaya Rajada Sicir-bararka caalamiga ah ee la saadaalinayaa inuu hoos uga dhici doono 2023 oo ah 8.8 boqolkiiba ilaa 6.5 boqolkiiba 2023, halka wax soo saarka dunidu uu kordhi karo boqolkiiba 2.7 sanadka cusub.

Leave a Reply