Maxaa lagu sababeeyay dib-u-dhaca ku yimid wajigii sadaxaad ee wadahadalladii Somalia Iyo Itoobiya ee Turkigu uu garwadeenka ka ahaa

Tilmaamaha Qodob dhowr oo uu soo ururiyay #Dalhage ayaa leh sidan⤵️

Maxaa lagu sababeeyay dib-u-dhaca ku yimid wajigii sadaxaad ee wadahadalladii Somalia Iyo Itoobiya ee Turkigu uu garwadeenka ka ahaa oo lagu waday in laysugu soo laabto 17 September.??

⏩️Beesha Caalamka ayaa ka fiirsatay is mari waaga jira, maadaama aysan Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna waxba ka bedelin mowqifkooda ku aadan heshiiskii is afgaradka badda ee Itoobiya iyo gooni goosadka.

⏩️Wareysi uu dhawaan siiyey telefiishanka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fiqi, ayaa ka digay in haddii Itoobiya ay ku sii socoto heshiiska is-afgaradka ah, ay Soomaaliya qaadi karto tallaabooyin adag oo ay ka mid tahay in ay la safato jabhadaha Itoobiya.

⏩️Waxaa xigay hadallo kicin ah oo ka soo yeeray ku xigeenka wakiilka Itoobiya ee Midowga Afrika, taasoo sii kordhisay xiisadda.

⏩️Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan ka bedeshay mowqifkeedii hore ee Is-afgaradka, waxayna si weyn u diiday, waxayna xaqiijisay inay taageerto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

⏩️Arrimahan ayaa walaac weyn ku abuuray labada dal ee Maraykanka iyo Turkiga, iyadoo laga cabsi qabo in haddii wareegga saddexaad ee wadahadallada uu fashilmo, ay keeni karto burbur dublamaasiyadeed oo dhammaystiran iyo dagaal suurtagal ah.

⏩️Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Blinken ayaa la filayaa in uu la kulmo wufuud sare oo ka kala socota labada dal oo uu dhinac socdo shirka UNGA ee dhawaan ka dhici doona dalka Maraykanka