Maxaa Looga Wada Hadlayaa Kulanka Magaalada AdisAbaba Ee Taliyayaasha Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ?

Madaxda Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir uga socda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saddexda dal oo faahfaahinaya kulanka ay saddexda mas’uul ee ugu sareeya sirdoonka wadamadooda ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmay kadib booqashadii todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya.

Siyaasiyiin badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo is xulufsi siyaasadeed.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in taliyaha sirdoonka dalka Soomaaliya Fahad Yaasiin uu u gudbay dalka Turkiga kadib markii uu soo idlaaday kulanka ay wada yeesheen taliyaasha sirdoonka dalalka Itoobiya Iyo Eritre

Leave a Reply