26″ December “2022” Muqdisho
Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Madaxtooyada, oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo 犀利士 Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar sida ay sheegtay iddaacaa Dalsan ee magaalada Muqdisho
Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.