11″ February “2022” Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Cdanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa maanta oo ay taariikhdu ayaa xaruunta Xabsiga Dhexe ugu soo xirey munaasabad qalin-jebin ah oo loo sameynayey maxaabiis heerar kala duwan oo dhameystey Waxbarasho ka kooban heerarka Waxbarashada kala ah dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Rajo.
Masuuliyiinta munaasabadda timid ayaa si wadar ah u wada muujiyey in micnaha saxda ah ee xabsiga aanu aheyn in dadka lagu ciqaabo, balse ay tahay in dadka lagu dhaqan celiyo, xirfadna lagu baro si ay u sameystaan fursad shaqo kadib marka ay dhameystaan mudada ay ku jiraan xabsiga iyo si ay fursad ugu helaan waxbarasho sare oo ay sii wataan.
Waxbarashada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ah midka ugu weyn Soomaaliya ayaa ah mid ay horey uga faa’ideysteen maxaabiis badan oo ka bartay xirfado kala duwan, kuwaas oo haatan banaanka markay yimaadeen ku 壯陽藥 shaqeysta kana hela nolol maalmeedkooda.
Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Taliska Asluubta ayaa uga wakiil ah dhaqan celinta xag jirayaasha, kuwa gala dambiyada iyo darbi-jiifta si ay u helaan xuquuqdooda muwaadin, ayna ula falgalaan bulshada inteeda kale.