Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo Maanta Xoola Loo Qalay

Qaar ka mid ah mas’uuliyyinta dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe kala qayb qaatay maalinta koowaad ee ciidul Adxadaaga.

Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir Maxamed axmed Cismaan,Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan, Waxaaa ku wehliyay booqashada Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda  Xasaan Xuseen Xaaji iyo Xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Golaha Shacabka waxayna ku wareejiyeen Taliyaha Ciidanka Aslubta Soomaaliyeed General Mahad

Maxaabiista ayaa loo sameeyay munaasabad gaar ah, waxaana loo qalay xoolo, iyadoo mas’uuliyiinta halkaas gaaray ay wadeen xoolo ka kooban Geel iyo Adhi.

Madaxda oo la Hadlay maxabiiista ayaa la wadaagay farxadda Ciidda. Sidoo kale waxay kula dardaameen inay u noqoto waana qaaadasho ayana ka faaiidaystaan waxbarshada kala duwan ee lagu siiyo Xabsiga dhexdiisa

Leave a Reply