22″ March “2022” WQ, Bootan Axmed Xalane
Maadaama maalmahan la hadal Hayo roobabka iyo xakameyntooda ayna hoos timaado maaddo cilmi cusub oo aad ula jaanqaadeysa diirrimaadka adduunka kor u sii kacaya waxaan baaris Kooban ka dib is tusay in aan soo bandhigo qormo dul ka xaadis ah (non-technical) oo daka oo dhami wada fahmi karo oo ka hadleysa arrinkaas
Geoengeneering waa xakameynta iyo adeegsiga cimilada iyo jawiga dhulka (climate and atmosphere). Waa cilmi casri ah oo weli uu horumarkiisu billow yahay waddamada adduunka ee dawladaha shaqeynaya leh oo dhamina way ku gudajiraan.
Xayseysiis
marka si nabad gelyo ah loo isticmaalo wuxuu hadafkiisu yahay inuu ku guuleysto xakameynta diirrimaadka adduunka, xakameynta masiibooyinka ay cimiladu keento, iyo xakameynta diqowga ama wasaqeynta hawada. Hase yeeshee marka si fowda ah loo isticmaalo sida nuclearka oo kale wuxuu keeni karaa burbur iyo halaag ku dhaca waddamada loogu awood sheegto
.
Afeefaha ay arrintan ka soo joodiyeen culimada sayniska iyo kuwa degaanku waxay billabatay ama aad u soo if baxaday xilliyadii dagaalkii labaad ee adduunka markii la sheegay in goobihii lagu dhuftay qumbuladihii nuclearka ee jabbaan ay ka da’een roobab watay acid cilmi Baaris ka dibna waxaa la go’aamiyey in shucaaca nuclearku uu wax ka beddeli karo daruuraha hawada iyo jawiga atmosphere-kaba.
Afarta arrimood ee tijaabada lagu soo Hayey laguna Howlan yahay ilaa maanta in lagu guuleysto si looga nabadgalo masiibooyinka dabiiciga ah waxay kala yihiin:
1- in la helo qaab lagu qaboojin karo jawiga sii kululaanaya iyadoo la xa壯陽藥
kameynayo shucaaca qorraxda ama laga abuurayo jawi baraf hawada Inagu xeeran sidoo kalena looga nadiifinayo hawada wasaqda kaarboon labo ogsaydhka.
2- in la xakameyn karo ama la jiheyn karo majaraha dabeylaha si looga hortago ama loo yareeyo qatarta duufaanaha.
3- in la xakameyn karo ama la abuuri karo daruuraha cokan si looga hortago daadadka iyo abaaraha.
4- in marka la ogaado awoodda, xawaaraha, waqtiga iyo halka uu ku abbaaran yahay dhulgariirka la helo qaab looga gaashaanto.
Ujeeddooyinka kore oo dhami waa kuwo togan oo haddii lagu guuleysto wax ka beddeli kara nolosha adduunka hase yeeshee madaxda soo mara dawladaha adduunka oo dhami xilkas ma wada ahan weyna dhacday in cilmigan loo adeegsaday si taban iyo si togan labadaba.
Tusaale ahaan lixdameeyadii dagaalkii maraykanka ee Vietnam si loo hakaiyo gurmadkii ka imaanayey Korea maraykanku waxay adeegsadeen roobab macmal ah ama waxay isticmaaleen in ay koontaroolaan roobabkii maansuunta ee gobolka oo socday muddo ka bada intii roobabka dabiiciga ahi ay socon jireen.
Arrintaas ayaana keentay in qarammada midoobay mamnuucdo in cimilada loo adeegsado hub dagaal.
Si taas ka duwan 2008 ciyaarihii olompikada ee lagu qabtay China daruuro siday roob aad u fara badan oo ku soo beegmay garoon lagu qabanayey ciyaaraha waxay u adeegsadeen gantaalo xambaarsan shucaac iyo kiimiko oo 24 saac ka dib ku guuleystay in ay daruurihii kala cayriyaan.
Xayeeysiis
Shiinaha wuxuu ka mid yahay waddamada ugu horreeya ee dhaqaalaha faraha badan ku bixiya horumarinta adeegsiga cimilada waxaana la sheegaa in tijaabooyin badan oo uu sameeynaayey ay sababeen fatahaado ka dhacay waddamada India, Bangladesh, Indonesia iyo kuwa kale ilaa iminkana muran arrintaas ku saabsan ayaa kala dhexeeya dalka India.
Dhinaca geeska Africa dalka keliya oo si weyn ugu baraarugsan arrintaas hanti iyo tijaabooyin badanna geliyey waa Ethiopia. Waana sababta ay aad ugu daneyneyso in ay lug ku yeelato badweynta India oo ah halka ay inta badan ka yimaadaan daruuraha iyo dabeylaha saameeya cimilada geeska Africa
WQ, Bootan Axmed Xalane