Sunday ” 7″ November ” 2021″ BBC somali
Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegayay in diyaarado nuucoodu yahay kuwa aysan duuliyaha saarneyn lagu qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho. Balse xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradahaasi oo ka kooban lix oo ah kuwa drones-ka uu isaga leeyahay.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) in ay gacanta ku hayaan diyaaradahaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo laga leeyahay ujeeddo ganacsi.
Haddaba maxay qabtaan diyardahani?
DJI waa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo magaceeda laga soo gaabiyay Da-Jiang Innovations. Shirkadan waxa ay soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones, waxayna haystaa macaaamiisha ugu badan ee drones-ka iibsata addunka oo dhan.
Qalabka ay soo saarto shirkadda ayaa waxaa sidoo kale isticmaalayey ciidamada militariga iyo booliiska iyo sidoo kale kooxaha argagixisada, iyadoo shirkadu ay qaadday tallaabooyin lagu xadidayo dadka ay gacanta u galaan drones-keeda
Qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Mareykanka ayaa soo saaray bayaan ay dadka kaga niyad jabinayaan alaabada DJI ee gudaha Mareykanka, laakiin laga bilaabo 2020-kii, wakaaladaha kala duwan ee heer degmo iyo heer federaal waxay sii wadeen adeegsiga alaabada DJI. Shirkadda oo la aasaasay sannadkii 2006 ayaa sameeyay Frank Wang.
Bishii Ogosto 2017, Ciidanka Mareykanka ayaa daabacay hagitaan gudaha ah oo mamnuucaya isticmaalka alaabada DJI sababo amniga awgood, in kasta oo tan iyo sannadkii 2019 laamaha kale ee millatariga Mareykanka ay si xaddidan u sii wadeen adeegsiga alaabadooda.
Bishii Janaayo ee 2020-kii, Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto ku dhawaad 800 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee DJI sababo la xiriira dhanka ammaanka, kuwaas oo ay u adeegsan jirtay ilaalinta duurjoogta iyo la socodka kaabayaasha dhaqaalaha.
Warbixin ay soo saartay bishii May 2020 oo lagu falanqeynayo xogta adeegsiga aaladda DJI ee Mimo app, kaas oo loo isticmaalo xakameeynta taleefanka casriga ah, shirkadda cilmi-baarista amniga ee River Loop Security ayaa samaysay dhowr daahfur oo “walaac kaga muujineyso ” isticmaalka aaladafaha DJI ee siyaasiyiinta iyo xitaa dadka caadiga ah.
Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaasha, app-ku wuxuu xogo kala duwan usoo diraa server-yada ku yaal Shiinaha, kuwaas oo ay ku jiraan macluumaadka shakhsiyeed ee xasaasiga ah, iyada oo loo marayo siyaalo aan ammaan ahayn sidoo kalana aan wax ogolaansho laga helin qofka isticmaalaya. Walaacaas ayaa sare u qaadaya shakiga ah in xogta gaarka ah ee isticmaalaha ay si fudud ah u heli karaan maamulka Shiinaha.
Dhanka kale Bishii Disembar ee 2020, Wasaaradda Ganacsiga ee Mareykanka ayaa DJI ku dartay Liiska Hay’adaha Amniga ee Xafiiska Warshadaha iyo Amniga. Bishii Janaayo 2021, Trump wuxuu saxiixay amar fulin oo amraya in laga saaro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu sameeyo ee maraannada dawladda Maraykanka.
Maxay yihiin diyaaradaha Drones-ka ee uu leeyahay xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ee ay sirdoonka Soomaaliya qa犀利士 bteen?
Bishii Maajo 2021, Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa soo saartay falanqayn ku saabsan qalabka DJI. Waxayna ku soo gabagabeysay in laba nooc oo ah iyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee DJI isticmaalaan hay’adaha dawladda iyo ciidamada la shaqeeya adeegyada Maraykanka.”
Bishii Janaayo ee 2015, dron-ka Phantom 3 ayaa ku burburay cawska koonfureed ee Aqalka Cad, ee Washington, ee dalka Mareykanka.
Isla 2015-kii waxaa kaloo jirtay dhacdo kale oo ka dhacday nagaalada Tokyo taas oo DJI Phantom 2 Drone la soo saaray walxo shucaac ah ka dibna ku soo degtay Guriga Rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan. Waxaa dhacdadaas ka dhashay in la soo saaro sharci xaddidaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u dhow xarumaha dawladda iyo goobaha nukliyeerka.
Sannadkii 2016, kooxda ISIS waxay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee DJI waxayna sida la sheegay qaraxyo kaga fulisay Ciraaq iyo Suuriya.
Markaasi ka dib shirkadda DJI ka dib waxay sameysay aag duulimaadka ka caaggan oo u dhow Ciraaq iyo Suuriya.
Isla sannadkaas, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee DJI ayaa ku sigtay inay ku lug yeelato shil hawada sare ah oo dhexmari gaaray diyaarad dagaal oo Shiinuhu leeyahay iyo dron-kooda.
Dawladda Shiinaha ayaa intaa ka dib ku adkaysatay in DJI ay horumariso diiwaanka taraafikada hawada si ay ula socoto diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ee gudaha Shiinaha.
30-kii Maarso 2018, Ciidamada Difaaca Israa’iil waxay adeegsadeen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee nooceedu yahay Matrice 600 drone si ay hawada sare uga soo daadiyaan sunta dadka ka ilmeysiisa mudaaharaadyaal, taasoo sababtay dhaawacyo, argagax iyo dhimasho intii lagu jiray mudaaharaadyada Gaza iyo West Bank.