Dadka ayaa siyaabo kala duwan u arka tallaabo dad shacab ah looga rarayo xaafadda Kalluunka oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii la sheegay in dadkaas horey loo siiyay ogeysiis ku saabsan ina y halkaas iskaga guuraan. Dadka qaarkood ayaa sheegaya in aaney haysan meel ay aadaan dowladduna aanay dhul kale siin oo ay deggaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in ay in xoogg uga rarto dadkii deganaa guryihii deegaanka ahaa ee Wasaaradda Kalluunka ee ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho , halkaas oo dadka guryahaasi deggan ay muddoo dheer deganayeen, ciidamo ka socdo kuwa dowladda ayaa tagtay xaafadda Kalluulnka ee magaalada Muqdisho waxaana lagu amray in ay halkaas iskaga guuraan .
Waxaa jirtay warqad horrey ugasoo baxday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka, oo dadka deegaankaasi deggan loogu sheegayey in ay isaga guuraan maadaama ay dhulkaasi lahayd Wasaaradda Kalluumeysiga, dowladduna ay u baahatay.
Dadka deggan halkaas ayaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegay in ay cabasho ka qabaan hanaanka ay dhulkaasi dowladdu uga saareeyso hasa yeeshe ugu danbeyntii maalintii shalay ee Talaadada ay dadkaasi intooda badan ay halkaasi isaga guureen.
Waxa la arkayey qoysas badan oo alaabadooda halkaasi ka guranayey waxayna sheegeen in aanay garaneynin meel ay u guuraan laakin ay sheegeen in hadda lagu qasbay in ay halkaasi ka baxaan.
Muxuu yahay dhulka Kalluunka maxaadse ka ogtahay taariikhda dhulka Kalluunka?
Sida uu BBCda u sheegay Engineer Cabdi Cali Yare oo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, guryahaasi dhulka Kalluunka waxaa la dhisay 1977- 1978dii waxaana markii horre loogu talagalay saraakiil iyo quburo u dhalatay Midowgii Horre ee Soofiyeeti kuwaas oo la taliyaal ka ahaa Mashruucii Horrumarinta Xeebaha ee Wasaaradda Kalluumeysiga
Markii uu xumaaday xiriirkii Dowladdii Soomaaliya iyo Midowgii Hore ee Soofiyeeti , waxaa dalka laga eryay saraakiishii Ruushk aahaa, kadibna waxaa guryahii la dejiyay shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeeysiga, gaar ahaanaMashruuca Horumarinta Xeebaha.
Gurayahaas ayaa ka koobnaa ilaa iyo 56 guri, waxaana dadkii la dejiyay xilligii dowladdii kacaanka laga qaadi jiray 300 Shilin Soomaali ah taas oo mushaarkooda laga jari jiray si marka danbe ay u yeeshaan milkiyada guryaha sida uu sheegay Cabdi Cali.
Engineer Cabdi Cali oo qudhiisu ka mid ahaa dadka degganaa guryaha xaafadda Kalluunka muddo ku dhaw 40 sano ayaa sheegay in markii ay dhacday dowladdii hore ee kacaanka, dalkana lagu kala qaxay in dad yar oo ilaa shan qoys ah ay ku hareen guryaha xaafadda Kalluunka, laakinse dad shacab ah oo soo barakacay iskasoo degeen guryaha, halka qaar kalena meelihi banaanaa ay guryo jiingado ah ka dhisteen.
Dadka ayaa ku kala aragti duwan dhulka ay dowladdu dib ula wareegeyso
Dhawaanahan waxa soo badanayey dhulka ay dowladdu dib ula wareegeyso , taas oo ay dadku ay ku kala aragti duwanyihiin. Siyaayiinta mucaardka ku ah dowladda ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo meela kaleba waxa ay dowladda ku dhaliileen in dhulkii danta guud ee ay dowladdu lahayd dadkii laga saarayo, dowladduna aaanay si sax ah u maamuleynin oo ay ganacsato iyo dad kale la siinayo si ay lacago uga hesho.
Dhawaan Madaxweynihii Hore, Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hantida qaar aanay dowladdu iibin Karin sida xerooyinka Ciidamada, kuwa kale waxa uu sheegay in aan nidaam sax ah loo soo marin.
“Qofka muwaadinta, sida sahrciga ku qoran dowladda waxa uu xaq ugu leeyahay in uu helo hoy , marka laga bixinayo guri ama deegaan, waa in loo diyaariyaa meel kale” ayuu yiri Sheikh Shariif
Hasa yeeshee dowladda ayaa sheegtay in mar kasta dhulka dowladdu ay dowladdu leedahay , dowladduna ay u baahatay dhulkaas, sidaasi daraadeedna ay dowladdu garaneyso habka loo maareeynayo, iyadoo loo marayo nidaamka iyo sharciga.
Marka laga yimaadi labada dhinac dowladda iyo siyaasyiinta mucaardka ah dadweynah aayaa iyaguna ku kala aragti duwan.
Dadweynha deegaanadaasi lag saarayo waxa ay leeyihiin , waxa ay ahayd in dolwaddu ay dhul kale na siiso maadaama aanan haysan dhul kale iyo meel kale oo aan degno , dadka kale ee deegaanadaasi aan deganeyn ayaa laftigoodu ku kala ra’yi duwan. Qaar ayaa u arko dowladdu tallaabada ay qaadeyso in ay sax tahay maadaama dadkani ay muddo dhowr iyo soddon sano ah ay ku manaafacaadsanayeen deegaanadaas, oo ay dowladduna leedahay haddana ay tahay in ay isaga guuraan haddi ay dowladdu usoo baahatay, halka qaar kale ay leeyihii waxa ay ahayd in dowladdu ay u dhimriso dadkaas una raadiso deegaano kale oo ay degaan.