10- September-2023

Maxaan ka baran karnaa Duqeynta 5 caruur ah iyo ayeeyadood ee duleedka ceel garas, Iyadoo ay suurtagal tahay Argagixisadu in ay sii wado gabaad ka dhigashada dadka rayidka ah
Maraykanka ayaa qirtay in dad Shacab Ah uu ku Laayay Duqeyn Ka Dhacday Deegaanka Ceel-Garas iyadoo argagixisada alshabaab ay dooneyso inay dadka rayidka ah u adeegsato gabaad
War Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda ee Africom ayaa lagu sheegay in 6-dii Septemper ciidamada qaranka ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay qaadeen weerar ka dhan ah argagixisada daafaha tuulada Ceel-Garas
baarista horudhaca ah ay sheegayso in sedex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay weerarka, nasiib darase ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida.
Ciidamada Maraykanku kuma jirin hawlgalka, mana jirin duqeyn xagga cirka ah oo ay ku caawiyeen saaxiibadooda Soomaaliya ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Laakiin waxa jirta bay yiraahdeen codsi Dawladda Soomaaliya uga yimid oo ahaa inay goobta ka qaadaan dhaawacyada dadka rayidka ah.
Maraykanka ayaa been ku sheegay warka Al-Shabaab ee ah in ciidamadooda ay laayeen dad rayid ah.
Maraykanku ma sheegin tirada dadka rayidka ah ee goobta ku dhintay ama ku dhaawacmay, balse dadka deegaanka waxay BBC-da u sheegeen in haweeyney da’ ah iyo shan caruurra oo ay ayeeyo u ahayd ay ku dhinteen weerarka lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Qawaarijta
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhacdadan, iyadoo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay in qof dumar ah iyo labo caruur ah ay ku dhinteen miino ay Alshabaab ku qariyeen guri ku yaala tuulada Ceel-lahelay ee gobolka Galgadud