Waxaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga lagu wadaa inuu ka furmo wajigii saddexaad ee wada hadallada xal u raadinta xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbanaanida Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan wafdi isugu jira wasiirro iyo xildhibaano ayaa shalay gaalaray magaalada Ankara.
Wadahadallada la filayo inay ka furmaan Ankara ayaa ah kuwo heerkeedu sarreeyo oo ay dhexmari doonaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana garwadeen ka ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayipp Erdogan. Inkastoo aanan ilaa haatan la xaqiijin karin in Abiy uu ka qeyb galayo kulanka.
Horay waxaa arrinka heshiiska is afgaradka Itoobiya ay la saxiixatay jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday Somaliland looga yeeshay kulamo kuwaas oo ku soo idlaaday is afgarad la’aan.
Haatan oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya kulmayaan markoodii saddexaad ayaa u muuqda mid ka duwan kulamadii hore sababo la xiriira madaxda is hor fadhiisanaysa oo kala ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Wadahadalkii u danbeeyay waxa uu dhexmaray wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana dhex dhexaadina
Turkiga ayaa dadaal badan ku bixinaya sida xal looga gaari lahaa khilaafka weyn ee ka dhaxjira Soomaaliya iyo Itoobiya inkasta oo wadahadalka la filayo inuu furmo uu ka heer sareeyo kuwii hore.
Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii heshiiskaas is afgaradka ah la kala saxiixday waxa ay ku soo celcelisay sidoo kalena fagaareyaal badan ka sheegtay inaysan raali ka ahayn in lagu xadgudbo ‘madaxbannaanideeda dhuleed’ waxa uuna madaxweyen Xasan ku celceliyay in mowqifka dowladdiisa uga aadan arrinkaas uu adagyahay gorgortanna aysan ka galayn.
Inkasta oo khilaafkaan soo bilowday horraantii sanadkaan uu u muuqdo mid aan xal horay loogu helin balse casuumaadda madaxweyne Erdogan ayaa loo arkaa mid rajjo abuuri karta.
Wafdiga Soomaaliya ayaa kulammo hordhac ah oo aan warbaahinta lala wadaagin la leh madaxda Turkiga, balse wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaan wali gaarin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
BBC-da laanteeda afka Amxaariga oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay in wakaaladda ay isku dayday inay la xiriirto mas’uuliyiinta Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga si ay u xaqiijiso waqtiga ay furmayaan iyo cidda is horfariisanaysa, balse wakaaladda wararka ee Reuters wax jawaab ah kama aysan helin labada dhinac.
Soomaaliya yaa uga qayb galaya wadahadallada?
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdiga ka socda Soomaaliya ee ka qayb galaya wadahadallada.
Waa maxay sababta Turkigu ugu lug leeyahay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya?
Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah kaas oo Turkigu ka caawinayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada badda ee Geeska Afrika.
Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Itoobiya ayaa codsatay in Turkiga uu fududeeyo wada hadallada.
Waxaa la soo jeedinayaa in Addis Ababa ay aad u daneyneyso in xiisadda la qaboojiyo, iyadoo Soomaaliya ay olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ku dooneysay inay taageero uga hesho dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale dalalka Khaliijka.
Si kastaba ha ahaatee, “ma jiraan wax calaamado ah” oo weli muujinaya in Itoobiya ay doonayso inay ka baxdo heshiiska, ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Maxay tahay sababta arrintani muran badan u dhalisay?
Soomaaliya, Somaliland waxay u tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Soo jeedin kasta oo ah in ay heshiis la gasho waddan kale ama in yar oo ka mid ah la kirayn karo iyada oo aan oggolaansho laga helin Muqdisho waa saameyn weyn.
Maalin kadib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal “gardarro” ah oo “caqabad ku ah nabadda iyo xasilloonida”. Waxa kale oo ay u yeeratay safiirkeedii Addis Ababa.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa markii dambe ka dhoofay magaalada Muqdisho.
Isla markii uu heshiiskaasi dhammaaday, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkiisa sii kordhiyey isagoo yiri: “Waan difaaci doonnaa dalkeenna, waanu difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, waxaana taageero weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa.
Waxa uu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, waxa uuna Itoobiya ku tilmaamay cadowga dalkiisa.
Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xafiiltan soo jireen ah.
Sanadihii 1977 iyo 1978, Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo ay ku doonayeen in ay ku maamulaan dhulka hadda loo yaqaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskaasi, iyadoo tobanaan kun ay isugu soo baxeen.
Maxay Itoobiya u doonaysaa heshiiska is af garadka ee ay la gashay Somaliland?
Sannadkii hore, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay helitaanka badda arrin jirta.
Itoobiya waxay lumisay dekedihii ay lahayd markii ay Eritrea goosatay horraantii sagaashamaadkii. In ka badan 100 milyan oo qof, waa dalka ugu dadka badan adduunka oo aan bad lahayn.
Hadalka Abiy ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in Itoobiya ay isku daydo inay xoog ku gaarto hadafkeeda.
Waxa ay heshiiska Somaliland la gashay ku tilmaantay mid taariikhi ah, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in ujeeddadiisu tahay mid nabadeed balse ay muhiim tahay in Itoobiya ay gaarto yoolkeeda