Maxamed cumar carte oo gaaray Haragaysa ka dib cafis uu fidiyay muuse biixi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Maxamed Cumar Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Eheladiisa oo in muddo ah aysan is arag.

Socdaalka Hargeysa uu ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid uu ku doonayo in uu ku arko Aabihiis Cumar Carte Qaalib oo ku xanuunsanayo halkaas, sidoo kalena ah siyaasi Caanka ah.

Kahor tegitaanka Maxamed Cumar ee Hargeysa ayaa waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana tixgeliyay Codka uga yimid  Maxamed oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xauunsanyahay.

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa la sheegay inuu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go’aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanyo Aabihiis Cumar Carte Qaalib.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu tixgeliyay Codka uga yimid oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xanuunsan yahay.
Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka dowlada federalka ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaas.

Cumar Carte Qaalib oo ah aabaha dhalay Maxamed Cumar Carte ayaa ku xanuusanaya magaalada Hargeysa,waxana uu hore uga soo qabtay xilal kala duwan dowladihii hore u soo maray dalka.

Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka digay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka tego Magaalada Hargeysa, iyagoo tegitaankiisa Caasimadda Somaliland shuruud uga dhigay ka tanaasulka fikirka midnimadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply