Maxamed cumar carte oo Haragaysa gaaray ka dib cafis uu fidiyay muuse biixi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Goordhow gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu dhaweeyay.Garoonka diyaaradaha Cigaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Maxamed Cumar Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Eheladiisa oo in muddo ah aysan is arag.

Socdaalka Hargeysa uu ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid uu ku doonayo in uu ku arko Aabihiis Cumar Carte Qaalib oo ku xanuunsanayo halkaas, sidoo kalena ah siyaasi Caanka ah.

Kahor tegitaanka Maxamed Cumar ee Hargeysa ayaa waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana tixgeliyay Codka uga yimid  Maxamed oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xauunsanyahay.

Leave a Reply