Maxamed Cusmaan Jawaari oo Muqdisho Ku geeriyooday

28-June-2024

Allah ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Geerida Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa xaqiijiyay warbaahinta dowladda iyo qaar ka mid ah ehelladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa, xanuunkaasna uu u geeriyooday.

Waxa uu ahaa garayaqaan iyo siyaasi. Waxa uu soo noqday Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya, isagoo mar noqday ku simaha madaxweynaha bilihii August iyo September sanadkii 2012-kii.

Burburkii Soomaaliya ka hor, waxa uu xillal ka soo qabtay xukumaddii Militariga ee Maxamed Siyaad Barre

Allaha u naxariistee, Professor Jawaari ayaa waxa uu ku dhashay 7-dii, bishii December ee sanadkii 1945-kii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Waxaa uu ku geeriyooday da’da 79 sano jir.