Maxamed Yuusuf Axmed oo in muddo ah kusoo jirey saaxadda Siyaasadda iyo saxaafadda ayaa isku soo taagay xilka mid kamid kuraasta ugu adag ee golaha shacabka ee deegaan doorashada Hirshabelle oo haatan uu ku fadhiyo sii hayaha Wasiirka Amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.
Maxamed Yuusuf oo ahaa suxufi sumcad weyn ku dhex leh bulshada xarumo kala duwan oo warbaahineedna soo maamulay ayaa sidoo kale waxa uu ka shaqeynta siyaasadda bilaabay xilli ay adkeyd in laga shaqeeyo, isagoo soo noqdey Agaasimihii Warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore Dr Cali Maxamed Geeddi ee magaalada Jowhar oo xarun KMG u ahayd dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Sidoo kale wuxuu lasoo shaqeeyey Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed oo ilaa iyo haatan ay yihiin saaxiibo isku dhow, isagoo dhinaca warfaafinta kalasoo shaqeeyey.
Mar uu ka hadlayay sababaha uu xilkaas ugu soo istaagay isagoo socdaal ku jooga Turkiga wuxuu sheegey in ay u muuqatay baahi loo qabo dhalinyaradu inay qayb ka noqdaan hay’adaha dowliga si fursad ay ugu noqdaan dib u dhiska dalka.
“ Waxbadan oo aan soo taxliilinayay siyaasadda waxaa ii soo baxdey in markaan aan lafteyda soo istaago” ayuu yiri, isagoo hadalkiisa kusii daray in golaha shacabka oo ay galaan dad aan la kireysan karin inay keeneyso soo xulista hogaamiye sax ah oo dalka badbaadiya.
Mar la weydiiyay xiriirka isaga iyo Wasiirka Ducaale oo hadda kursiga uu raadinayo ku fadhiya dhaqaale xooganna haysta wuxuu cadeeyey in aysan jirin xiriir siyaasadeed oo ka dhaxeeya balse ay saaxiibo yihiin oo aysan jirin khilaaf gaar ah oo ka dhaxeeya.
“Ducaale in muddo ah ayuu kursiga nagu matalayay marka waa wax caadi ah in lagula tartamo kaligeyna maaha ee cid walba oo han siyaasadeed leh ayaa ku tartami doonta” ayuu yiri, isagoo qiray in intabadan dadku ay dhaqaale niyadda galiyaan marka kuraas la raadinayo balse isagu uu ku kalsoon yahay beesha kursigaas inay isbedel mudnaanta siin doonto oo aaney dhici doonin in lacag lagu baayactamo.
Dhinaca xisbiyada furan mar uu ka hadlay wuxuu sheegay in xoogaa ay isku qaban la’dahay xisbiyo halagu tartamo iyo 4.5 kuraasta halagu yimaado, isagoo taa bedelkeedana cadeeyey in haddii xisbi ay noqoto iyo haddii qaabkii hore oo la qurxiyay ay noqoto uu diyaar u yahay tartanka.
Xiriika Villa Soomaaliya iyo raadinta kursigan ayuu sheegey inaysan waxba iska quseyn oo aaney jirin wax xiriir ah oo kala dhaxeeya madaxda maanta joogta, sidoo kalena wuxuu meesha ka saaray in xisbiga Himilo Qaran uu kursigaan la rabo iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
“Majirto in Himilo Qaran iyo hogaamiyahooda ay kursigaan ila raadinayaan ee waa go’aan aan qaatay kadib wadatashi aan la qaatay qaybaha bulshada ee beesha”
Inkasta oo uu beeniyay Himilo Qaran inuu xubin ka yahay haddana waxaa jira warar kale oo sheegaya in xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya hogaamiyaha xisbigaas Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed in ay jirto taageero qarsoon uu ka helayo shariifka.