Maxay ilaa hadda ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi?

Waxaa maalintii labaad galay wada-hadallada dowladda federaalk犀利士 a Soomaaliya iyo Somaliland oo dib uga furmay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay kulansiiyay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wada-hadallada ayaa galay maalintii labaad, ayadoo saxaafada dibad joog ka tahay kulamadan.

Kulamada socda ayaa looga arinsanaya sidii dib loogu sii amba-qaadi lahaa kulamadii iyo wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Arrimaha u waaweyn ee xilligaan miiska saaran ayaa ah qodobbadii horey loogu heshiiyay ee aan la fulin, iyo si habsami leh loogu sii qaado wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Shirkan ayaa si rasmi ah u frmay Khamiistii shalay, waxaana la filayaa in maanta mar kale la isku soo laabto si looga sii wada hadlo qodobo ay tahay inay ka hadlaan labada dhinac.

Haddaba ilaa hadda maxaynu ka ognahay waxa looga hadlay shirkaas? maxaase la rajeynayaa in laga sii wada hadlo? Cabdiraxmaan Bidhaan ayaa faahfaahinaya.

Muxuu madaxweyne Deni ka yiri shirka Jabuuti uga socda Xassan Sheekh iyo Muuse Biixi

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaliilay shirka Jabuuti uga socda, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay kulan uu ku soo bandhigayay musharaxnimadiisa doorashada madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa uu yiri:

‘Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaali ay Puntland ka maqantahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan’.

Leave a Reply