24″ May ” 2021″ Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xi,gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maalmiihii lasoo dhaafay kulamo ka waday magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlaayey sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulankaasi sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad kaas oo inta badan diirada lagu saaray arrimaha doorashada oo xiligan shir laga leeyahay shirkaas oo ay ka qeyb galeen madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka banaadir.
Kulankan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada wareegaysay warqad taas oo lagu sheegay in wadahadalada siyaasiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi lagu wareejiyey gudoonka Aqalka sare inkastoo markii danbe uu been abuur warqadaasi ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed
BBCSOALI”Maxay isku hayaan siyaasiyiinta Waqooyiga?
Khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland) ee ku sugan Muqdisho ayaa u muuqda mid aan weli xal laga gaarin.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta shaaciyay in “kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka uu la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi”.
Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in uu yahay mas’uulka ugu sarreeya ee siyaasiyiinta Somaliland ku metala dowladda Federaalka, waxaana uu doonayaa in uu wax ku yeesho go’aannada khuseeya qaabka loo maamulayo kuraasta gobollada waqooyi.
Isla maanta waxaa soo baxay warqad uu soo saaray “golaha siyaasiyiinta Somaliland” oo u janjeera dhanka gudoomiye Cabdi Xaashi, taasoo looga hadlay wadaxaajood dhexmaray labada dhinac ee ay u kala qeybsan yihiin siyaasiyiinta waqooyiga.
Waxaa kale oo lagu sheegay warqadda in dhinacyada ay ku heshiin waayeen qeybsiga xubnaha guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer gobol.
Durbadiiba waxaa saxnimada warqaddaas beeniyay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed. Waxa uu bartiisa Facebook ku qoray” “Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn.”
Xayeeysiin”
Xildhibaannada labada gole ee ku aragtida ah ra’iisal wasaare xigeenka ayaa beeniyay in uu jiro wax heshiis ah oo la gaaray, balse ay kulmeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.
DR Cilmi Maxamuud Nuur, oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa BBC-da u sheegay in kulankii u dambeeyay ee labada hogaamiye dhexmaray uu dhacay maalintii shalay ahayd.
“Kulankii shalay waxaan fileynay in afar kamid ah shanta qodob ee la isku hayay is-afgarad laga gaaray, hal qodob oo ah qaabka guddiga doorashada loo soo dhisayana uu ahaa mid qabyo ah, oo wax la xallin kara ah,” ayuu yiri xildhibaanka.
Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa kamid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay shirarkii looga arrinsanayay doorashada Soomaaliya, waxaana la filayay in dhinacyada isku haya ay heshiis ka gaaraan ka hor inta aan la soo gebagabeyn kulanka hadda ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada uga socda Afisyooni.