23″ April “2022” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.
Labada mas’uul ayaa ayaa ka wada hadlay howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.
Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay halka ay mareyso Doorashada Guddoonka iyo sida ay ugu diyaar garoobeen in waqtigeeda lagu soo dhammeeyo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka u rajeeyay in si caddaalad ah u qabtaan Doorashada, isaga oo u muujiyay garab istaag.
Maanta waxaa Golaha Shacabka hadal ka jeediyay Musharixiinta u taagan xilalka Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, 27 bishaan ayaana la filayaa in Doorashadaasi la qabto.