Maxay ka yiraahdeen Gaza Hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta ku shirsan Riyadh ?


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Wararkii u dambeeyay iyo hadallada hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta ee Sucuudiga ku kulansan

Dhowr hogaamiye ayaa hadda ka hadlay shirka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka OIC ee ka dhacaya caasimadda Sacuudiga.

  • Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in “siyaasadaha ciqaabta wadajirka ah” ee Qaza ay yihiin wax aan la aqbali karin oo “aan lagu qeexi karin is-difaac ama sheegashooyinka kale”.
  • Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay tahay in la qabto shir caalami ah oo nabadeed si xal waara loo gaaro oo u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.
  • Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ku cadaadiyo Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza. Wuxuu sheegay in Falastiiniyiinta ay wajahayaan “dagaal xasuuq ah oo aan la qiyaasi karin”.
  • Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgallada militari, lana sii daayo maxaabiista

Madaxweynaha Soomaaliya ‘Waa in laga shaqeeyaa xalka labo-wadan sidii loo gaari lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka hadlay fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Falastiin iyo joojinta duqeymaha ka socoda Qasa.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah xaban joojin loo sameeyo, iyo imaatinka gargaar bini’aadanimo si loo caawiyo kuwo nugul. Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xalka labo-wadan sidii loo gaari lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya

Hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo shir degdeg ah ka yeelanaya Qaza

Hogaamiyayaasha wadamada Carabta iyo kuwa Muslimka ah ayaa maanta ku shiraya magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga si ay isugu dayaan inay soo bandhigaan baaq mideysan oo ku aadan joojinta dagaalka Qaza.

Waxaa loo dallacay sidii “kulan degdeg ah” – oo la isku daray laba dhacdo oo asal ahaan kala duwan, shirkii Jaamacadda Carabta ee Sabtida iyo kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Axadda.

Balse hadal uu soo saaray mid ka mid ah kooxaha ka dagaalama Qaza, ee Falastiiniyiinta Islamic Jihad, ayaa ku jeesjeesay shir madaxeedka, iyagoo su’aal ka keenay sida loogu yeeri karo xaalad degdeg ah 35 maalmood oo uu dagaalku socday kadib. Waxay sheegtay inay filaysay wax yar oo aan ereyo ka ahayn.

Tallaabo naadir ah, Madaxweynaha Iran Raisi ayaa ka qeyb galaya shirka ka dib isku soo dhawaanshihii bishii Maarso ee u dhaxeeyay dalkiisa iyo Sacuudi Carabiya: laba dal oo dano iska soo horjeeda ka leh gobolkan.

Markii uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ee Tehran ayuu sheegay in waqtigii hadalku dhammaaday, haatanna la joogo xilligii ficilka

Muxuu shalay Qaza ka yiri Madaxweynaha Jabuuti shirkii Riyaad?

Hadalka adag ee Amiirka Qatar uu ka yiri shirka madaxda Islaamka ee Riyaad

Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay xalaada Qaza isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda afrika iyo Sacudi Carabiya.

Madaxweyne geele ayaa yiri: “maarinka Qaza waxa ka jirta xaalaad adag oo ay wajaahayaan dadka reer Falastiin, in ka badan 2.5 milyaan oo qof ayaa lagu qaasbay in laga baara kiciyo dhulkoodi iyo guryahoodii kadib marki loo adeegsaday weraaro dhanka cirka ah oo aan loo meel dayin”.

Madaxweyne geelle ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqdii dadka reer Falastiin “sido kale waxaa meel looga dhacay haquuqda bili’adaantinimada, waxaa laga jaray dadka shacabka ah cuntaadi iyo biyihi iyo dawoyinka sido kale waxa la gooyay isgaarsintii iyo dhamaan adeegyadi muhiimka ahaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Afrika ahaan ay masuuliyad gooni ahi ka saaran tahay dadka reer Falastiin, isaga oo ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay in jawaab adag alag bixiyo arrinkan.

Leave a Reply