Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sdkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.