Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo khadka kuwada xiriiray..?

1-June-2024

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ooy khadka telefonka kuwada hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa Isla soo qaaday arimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib” Warbixin Dheeho.com

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.