29- February-2024- BBC
Madaxweyne Macky Sall ayaa ku nuuxnuuxsaday shalay intii lagu guda jiray furitaanka wada-hadallada qaran ee Senegal inuu doonayo inuu ka tago awoodda marka ay dhammaato muddadiisa 2-da Abriil.
Waxaa la doortay 2012-kii muddo toddoba sano ah, waxaana dib loo doortay 2019 shan sano.
“Afrika uma baahna rag xooggan, balse waxay u baahan tahay hay’ado xooggan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Gaana 11-kii Luulyo ee sannadkii 2009.
Bulshada Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) waxay isku dayday in ay xalliso mushkiladda ku dhegganaanta xukunka iyagoo abuuray habraac ku saabsan dawlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda bishii Disembar ee sannadkii 2001 si loo xaddido muddada madaxweynaha.
Habraacan waxaa sare loogu qaadayaa ayaa la sheegay hababka ka hortagga, maaraynta, xallinta khilaafaadka, ilaalinta nabadda iyo nabadgelyada ee hore u jiray.
Balse dalalka qaar, gaar ahaan ECOWAS, waxa ka jira madaxweynayaal xilka haya in ka badan laba xilli, oo ka soo horjeeda rabitaanka dadkooda. Dastuurkana wax laga beddelo si ay taasi u suurtogasho.
Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dalalka Ivory Coast, Togo, iyo Gini, waddama ay dib u habeynta dastuurka ka dhasheen mudaaharaadyo rabshado wata oo dhimasho, dhaawac, iyo xabsi ka dhashay.
Alassane Ouattara, mar saddexaad, Ivory Coast
Alassane Dramane Ouattara, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Côte d’Ivoire (Ivory Coats), ayaa dib loogu doortay 94.27% bishii Oktoobar 2020 mar saddexaad oo dhammaan doona 2025.
Doorashada ka hor, 2017, wuxuu u ballanqaaday muwaadiniinta Ivory Coast inuusan u tartami doonin muddo kale.
Damacaas ah in uu mar kale isu soo taago doorashada, waxa uu sababay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Côte d’Ivoire, mucaaradka ayaa ku baaqay in la qaadaco doorashada iyo kacdoon shacab sababtoo ah madaxweyne Ouattara markii saddexaad ee uu xilka hayo waa mid aan dastuuri ahayn. Dastuurka Ivory Coast waxa uu dhigayaa laba xilli oo madaxweyne.
Sannadkii 2020, wax ka beddelku wuxuu khuseeyay 20 qodob oo ku jira dastuurka Côte d’Ivoire. Dastuurkan ayaa marka hore dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda la doorto shantii sanaba mar.
Mudaaharaadyadii ka dambeeyay isbeddelka ayaa sababay dhimashada 85 iyo in ka badan 500 oo qof oo ku dhaawacantay.
19 sano Faure Gnassingbe, Togo
Madaxweynaha hadda ee Togo, Faure Gnassingbe, ayaa xukunka qabtay ka dib geeridii aabihiis Gnassingbe Eyadéma bishii Febraayo 5, 2005.
Dhaxalkaasi waa mid aan dastuuri ahayn, ayay mucaaradku sheegeen xilligaas. Mudaaharaadyo isdaba joog ah ayaa horseeday in in ka badan 500 oo qof lagu dilay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Ka dib markii dib loogu doortay laba doorasho oo madaxtinimo (2010 iyo 2015) oo ay ku tartameen mucaaradka, Faure Gnassingbe ayaa la kulmay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhan ah maamulkiisa.
Mudaharaadkan oo socday ilaa 2018 oo ay wadeen 14 xisbi mucaarid ah si ay u dhistaan isbahaysi, kuma guulaysan in dib loogu soo celiyo dastuurka sidiisii hore ee 1992-kii.
Kadib doorashadii Disembar 2018 ee mucaaradku diideen in ay ka qayb galaan, baarlamaanka ayaa dib u eegis ku sameeyay dastuurka, gaar ahaan qodobka la xiriira doorashada Madaxweynaha.
Way caddahay in Faure Gnassingbe uu tartami karo 2025, sida uu qabo dastuurka cusub. Dalka waxaa hadda ka taagan qalalaase siyaasadeed oo ay mucaaradku doonayaan ECOWAS iyo ururro kale oo Afrikaan ah iyo kuwo caalami ah in ay soo farageliyaan colaadda Togo.
Togo ayaa isu diyaarinaysa doorashada baarlamaanka ee la qabanayo bisha Abril. Sanadka soo socda waxaa la qaban doonaa doorashada madaxweynaha. Dastuurka dalka uu hadda ku sugan yahay, ayaa Faure Gnassingbe u ogolaanaya in uu mar shanaad isu soo sharaxo.
Madaxweyne Blaise Compaore 17 sano, Burkina Faso
Blaise Compaore, waxa uu ahaa madaxweynaha Burkina Faso 27 sano. Waxa uu is casilay kadib mudaaharaadyadii dhacay 30kii iyo 31kii Oktoobar 2014kii.
Dibadbaxan ayaa ka dhashay rabitaanka madaxweyne Compaoré ee ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalka si uu ugu tartamo jagada madaxtinimo iyo in uu xukunka sii hayo. Waxaa horay loo doortay 1991, 1998, 2005 iyo 2010.
Sannadkii 2014-kii, Blaise Compaoré waxa uu rabay in uu wax ka beddelo qodobka 37-aad ee dastuurka kaas oo tan iyo 2000, ku xaddiday muddada xilka madaxweynaha 5 sano.
Oktoobar 30, 2014, markii ay ahayd in codka loo qaado baarlamaanka, waxaa baarlamaanka weerar ku qaaday dad fara badan, waxaana Jeneral Honoré Traoré uu ku dhawaaqay in la kala dirayo baarlamaanka, oo uu qabtay xilalka madax-weynaha.
Mar saddexaadka Alpha Conde
Gini maanta waxaa hogaaminaya dowlad militari kadib afgambigii xukunka looga tuuray madaxweyne Alpha Condé 5-tii Sebtembar, 2021. Hogaamiyuhu inkastoo mucaaradku diidan yihiin, wuxuu wax ka bedelay dastuurka dalkiisa si uu mar saddexaad isu soo sharaxo madaxtinimada.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Alpha Conde oo markii saddexaad xilka loo doortay ayaa la xakameeyay, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Farxad weyn ayay dadku ku soo dhaweeyeen afgambiga militari ee uu fuliyay kumaandooska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Gini oo uu hogaaminayay Colonel Mamadi Doumbouya oo hadda talada haya.
Dalka Cameroon, Paul Biya, oo 90 jir ah, ayaa u dabaaldegay 41 sano oo uu xukunka hayey sannadkii hore, iyo Yuweri Musséveni oo 80 jir ah oo asna 38 sano xukumayay Uganda.
Sidoo kale Congo, Dénis Sassou N’Guesso, oo 81 jir ah, ayaa xukunka hayay tan iyo 1997. Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, oo 82 jir ah, ayaa xukunka hayay tan iyo 1979-kii dalka Equatorial Gini.
“Hogaamiyeyaashu waxay u arkaan wax iska caadi ah in ay xukunka sii hayaan in ka badan 40 sano oo mararka qaarkood isku xigta, iyagoo isku rogaya hab-dhaqameed. Dhaqankani wuxuu ku dhex milmay hoggaamiyeyaashan,” ayuu yiri Nathaniel Olympio, oo ah madaxa Xarunta Kékéli ee Daraasaadka Istaraatiijiyadeed ee Galbeedka. Afrika.
Dhaqankan ku dhegista talada dalka waa natiijada ka dhalatay awoodda oo ku urursan gacanta madaxa dalka, awoodda waxa loo adeegsadaa xad la’aan iyo mas’uuliyad la’aan, iyo weliba khasaare