Maxay Somaliland ka tiri amarka ka soo baxay dowladda Soomaaliye ee la dul-dhigay xawaalada iyo shirkadaha ganacsiga?

25″Aug”2024 ” BBC

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka jawaabtay war qoraalla oo ka soo baxay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda Federalka Soomaaliya kaas oo amar lagu dul-dhigay shirkado ganacsi oo la faray inay ku beddelaan magaca “Somaliland” kan “Soomaaliya”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi u oolin Somaliland aysana waxba ka qaban karin

“Waxaan u aragnaa in beryahan in dagaaladaa iyo cadaawadaa wadeen oo waraaqo qor qoreeyeen. Haddii dowdii Siyaad Barre ay magaca Soomaaliya u isticmaashay in dalka Somaliland ku burburiso kuwaan iminka oo aan itaal hayn inta ay awooddi karaan waa inay dunida iyo shirkadaha warqado u qorana intay awooddayaan ay dagaal ka dhigayaan” ayuu yiri wasiir Cali.

Inaad shirkad shaqaysanaysa oo ganacsanaysa oo waxeeda wadata aad tiraahdo magacaas ka saar magacaasna ku qor waxay tahay waxaan Somaliland ka soconayn, iyada waxaan u arkaa wasiirka qoray nin doonaya in shirkadaha dareenkooda soo jeediyo oo uu e xiriir ka samaysto laakiin xagayaga wax macno ka samayna maaha” ayuu BBC-da u sheegay.

Wasiir Cali, wuxuu intaa raaciyey in sharkahada ka shaqeeya Somaliland ay iyagu siiyeen ruqsada ayna maamulaan halka ay ka shaqeeyaan.

“Waxay midaynaysaa dadka reer Somaliland oo dareenkoooda soo jeedinaysaa waxa ay samaynaysaa waxay tusaysaa halka ay ka taagan yihiin kuwa Soomaali sheegayana oo nolol u quuri waa yihiin oo inay ganacsadan oo shaqaystaan diidan yihiin” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Maxay tahay tallaabada ay qaadayaan Somaliland?

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan, wuxuu shegay in aysan jirin shirkad ku dhaqmi karta amarkaas “Wax loo hoggaansamayo ma jiraan suurtagalna maaha’’ ayuu BBCda u shegay

“Annagu waa u sheegnay shirkada dhaqan galisa waxaas, Somaliland oo dhan danbi ayey ka galeen taas qofkasta waa garanayaa, shirkaha oo dhan ciidamo Soomaaliland ayaa albabaadooda tagaan xagee buu ka yiri ninka leh magaca Somaliland ha ka saareen yuu maamulaa” ayuu intaas raacnay wasiir cali

Mar BBC-du waydiisay wasiir Cali Xasan inay shirkadaha ku sugan Somaliland ay arrintaas kala hadleen ayuu yiri “Annagu shirkaduhu waa is ognahay cid aqbalaysa, cid dhagaysanay iyo cid fulin kartaa ma jrito waxa ay soo qaadeen”

Dhawaan ayay sidoo kale ahayd markii ha’ayadda duulista hawada ee Soomaaliya ay amar ku siisay shiradaha FlyDubai iyo Ethoipan Airline inay magaca garoomada ay raaciyaan Soomaaliya.

Shirkadaha ayaa fuliyey amarkaas, wasiirka warfaafinta oo ay BBC-du waydiisay dhaqan galinta amarkaas ee shirkadahaas ayaa sheegay ” Shirkadahaa laftooda kuwa tallaabadaas qaaday annagaa la xisaabtamaayna”ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan.

Amarkii ka soo baxay wasaaradda ganacsiga

Soomaaliya

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa amar lagu dul-dhigay xawaaladaha iyo shirkadaha kale ee ganacsiga kuwaas oo sida ku cad amarka lagu sheegay in lagu ilaalinayo gobanimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Wasaaradda ganacsigu waxay ku xustay qoraalkeeda magacyo shirkado lagu socod siiyey kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Paysii, Dhabshiiil, Juba Express, iyo shirkade kale oo an la magac dhabin.

Ujeedada wasaaaradda ayaa lagu sheegay in shirkadahan la faray inaysan isticmaali karin magaca “Somaliland” taas beddelkeeda meelkasta oo ay magacaas ku qoran yahay lagu beddelo “Soomaaliya”

Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadaha ay haystaan ugu danbayn inay dhaqan galiyaan amarkan ilaa kowda bisha September ee soo aadan.

“Xawaalad iyo shirkad kasta oo aan u hoggaansamin amarkaan waxaa loo tixgalin doonaa in si bareer ah ugu xadgudbeyso gobanimada iyo wadajir Jamhuuriyada federalka Soomaaliya, waxaana lala tiigsanayan shuruucda dalka u yaalla” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmo uun ka hor ayey ahayd dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay aqbasha in ay beddesho bogeeda tigidhada laga goosto oo marka Hargeysa loo socdo qeexaya in ay tahay Somaliland.

Warqad ay shirkadda Itoobiya soo dirtay ayay ku sheegtay in wakhti loogu daro si’ay arrintaas u hirgeliso balse Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa diiday codsigaasi.

Agaasimaha waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere) ayaa BBC u xaqiijiyay arrintan.

Agaasimaha ayaa sheegay in Shirkadda ay xiriir la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna arrimahan ka wadahadleen.

Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in ay”aqbaleen islamarkana saxeen” codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Hargeysa iyo Muqdisho ayaa horrey si weyn isugu khlaafay hannaanka duulista hawada ka dib xiisaddii ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee ay bishii Janaayo ee sanadkan wada saxiixdeen Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanannida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya.