12″ April “2023
Madaxa Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dhibanayaasha ugu badan ee ku waxyeeloobay isbadelka cimilada inkastoo aysan waxba ka geysan.
“In kasta oo Soomaaliya aysan wax Qatar weyn ah ka geysan isbeddelka cimilada, Soomaalidu waxay ka mid yihiin dhibanayaasha ugu badan” ayuu yiri
Mr Guterres ayaa ku baaqay taageero ballaaran oo caalami ah bilowga booqasho uu ku tagay dalka oo ay ka jirto abaar daran.
QM ayaa billowday codsi balaayiin doollar ah oo loogu talagalay Soomaaliya halkaas oo malaayiin ay wajahayaan macaluul.
“Ku dhawaad shan milyan oo qof ayaa la soo deristay heerar sare oo cunto yari, dabcan sicir bararka ayaa ka sii daraysa”
Markaa deeq bixiyayaasha, iyo beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay xoojiyaan taageeradooda, si degdeg loogu bilaabo qorshaha wax ka qabashada bini’aadantinimo ee 2023, oo hadda 15% kaliya la maalgeliyo” Ayuu sii raaciyay.