27- July-2023- BBC
Soomaaliya ayaa olole ugu jirta siday xubin oga noqon lahayd golaha amaanka ee qaramada midoobey, iyada oo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay taageerto.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 15 xubnood, oo shan ka mid ah ay yihiin joogto.
Xubnaha joogatada ah ee Qaramada Midoobey ayaa kala ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka Maraykanka iyo boqportooyada Ingiriiska. Xubnaha joogtada ah waxay ka dhigan tahay in uusan jirin xeer meesha ka saaraya waligood, sida muuqatana waa dalalka ku hubeysan hubka nukliyeerka kuwooda ugu awoodda badan.
Kuraasta tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ayaa loo qaybiyey qaaradaha iyo gobollada caalamka, waxaana lagu doorta golaha guud ee Qaramada midoobey. Muddo xileedka xubanaha waxay ku egtahay laba sano, waxaana Afrika ku soo aadda ilaa saddex xubnood oo ay dalalka Afrikaanku isku badbadalaan.
Dowladaha doonaya in ay helaan kursigan aan joogtada ahayn ayaa olole cod raadis ah sameeya iyaga oo badanaa ka bilaabaya dalalka ay saaxiibada yihiin iyo ururrada ay ka tirsan yihiin.
Ololaha Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Amaanka
Sannadkii 2020 waxaa olole u wada galay kursiga bariga Afrika dalalka Jabuuti iyo Kenya. Soomaaliya oo markaas Kenya la lahayd xiriir liita ayaa taageeraysay Jabuuti una ololeynaysay sidii ay Jabuuti ku heli lahayd kursigaas, hase yeeshee Kenya oo dhanka siyaasadda gobolka kaga gacan saraysay jabuuti ayaa ku guuleysatay, codkii Golaha Guud ee qaramada Midoobeyna sidaas ku heshay.
Sannadihii 2021 iyo 2022 ayey Kenya kursigaas ku fadhiday, waxayna ahayd markeedii saddexaad ee ay hesho xubintan aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobey.
Hadda waxaa soo shaac baxday in Soomaaliya ay doonayso in ay hanato laba sano oo ay xubin aan joogto ahayn ka ahaato Golaha Amaanka Qaramada Midoobey.
Haddaba maxay yihiin danaha ay helaan xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, siiba kuwa aan joogtada ahayn.
Fursadaha xubinnimada aan joogatada ahayn
Si guud marka aan ka eegno waxay ahaanshaha xubin ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey leedahay fursado kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay awoodda siyaasadeed .
Nidaamyada goluhu waxay xunaha aan joogatada ahayn siiyaan dhawr fursadood oo ay wax ku biirin la taaban karo kaga sameeyaan shaqada golaha.
Doorka ugu caansan waa shirguddoonka golaha ee meertada ah, inkastoo fursadaha ay ka mid yihiin guddoominta hay’ado-hoosaadka sidoo kale laga helo waqtiyo saameyn ku leh arrimo gaar ah.
Madaxweynaha Golaha Amaanka Qaramada Midoobey
Shir guddoonka golaha ayaa bishiiba mar ku wareega dhammaan 15-ka xubnood, taasoo ka dhigan in xubnaha aan joogtada ahayn ay xilka madaxweynaha qaban karaan muddo hal ama laba bilood ah muddada ay xilka hayaan ee labada sano ah.
Madaxweynuhu waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa hagida shaqada golaha, isaga oo awood u leh in uu saamayn ku yeesho barnaamijka shaqada ee billaha ah iyo habsami u socodka shirarka.
Tan waxa ku jira fursadda madaxweynayaasha si ay u abaabulaan hal ama dhawr dhacdo oo golaha, taas oo ku saabsan mawduuc xiiso gaar ah leh.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu yahay fududeeyaha gorgortanka golaha, waxana uu u shaqeeyaa sida wakiil ka socda golaha marka uu la falgalo xubnaha iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, daneeyayaasha ka baxsan iyo dadweynaha.
Hay’ado hoosaasdayada
Gudoomiyaha hay’ad-hoosaadyada ee golaha guud wuxuu u xiran yahay xubnaha aan joogtada ahayn waxaana ay wareegtaa sanad walba. Iyadoo in ka badan 20 hay’adood oo hoosaad ah oo firfircoon ay xubnaha aan joogtada ahayn gudoomin karaan dhowr jeer isku mar. Inta badan hay’ado-hoosaadka waxay ka kooban yihiin mid ka mid ah guddiyada loo aasaasay inay kormeeraan nidaamyada cunaqabataynta dhaqaale ee lagu dajiyo go’aannada golaha ama kooxaha shaqada ee diiradda saaraya qodobada khuseeya shaqada golaha.
Xubnihii hore waxay soo jeediyeen in guddoominta hay’ado-hoosaadka ay siiso xubnaha aan joogtada ahayn fursad ay ku muujiyaan hoggaaminta oo ay gacan ka geystaan natiijooyinka dhabta ah ee go’aamada golaha.
Go’aamada Golaha
Nidaamyada goluhu waxay saadaaliyaan in shaqadiisa ay ku dhacayso shirar rasmi ah, halkaas oo go’aamo iyo talooyin kale lagu soo bandhigo, wax ka badel lagu sameyo laguna codeeyo. Si kastaba ha ahaatee, in badan oo ka mid ah doodaha golaha waxa ay ku yimaadaan gorgortan aan rasmi ahayn.
Goluhu wuxuu ku shaqeeyaa inta badan wax ku saleysan is-afgarad, badanaa go’aamada, iyo sidoo kale dhammaan noocyada kale ee dukumeentiyada rasmiga ah, ayaa lagu ansixiyay is-afgarad.
Nidaamyada sida “la-tashiyada aan rasmiga ahayn ee guud”, halkaasoo xubnaha goluhu ku kulmaan si gaar ah iyada oo aan la haynin diiwaannada rasmiga ah, waxay oggolaadaan in natiijooyinka lagaga xaajoodo banaanka, iyo inta badan, shirarka rasmiga ah.
Dhammaan waxyaabaha aan soo xusnay waxay xubnaha aan joogatada ahayn ee Golaha Amaanka siinayaan fursado ay ku hantaan awood iyo sidoo kale galaangal siyaasadeed, waana waxa ay hadda raadinayso Soomaaliya.
Soomaliya waxay fursaddan heshay laba sano oo ahaa 1971-1972, waxaana dabcan ka carqaladeeyay in ay fursad kale hesho dagaaladii sokeeye iyo dowlad la’aanta muddada ka jirtay dalka, hadii ay hadda ku guuleysato waxay noqonaysaa markii labaad ee Soomaaliya fursaddan hesho.