Maxay tahay digniinta kansarka ee ay khubaradu la xiriiriyeen TikTok?

Waxaa laga digay “khatarta” sii kordheysa ee xujada hadal heynta ka abuurtay barta TikTok, halkaas oo ay dadweynuhu soo bandhigayaan iyaga oo qoraxda isku dhigaya, arinkaan ayayna dhaqaatiirta ku sheegeen in ay sababi karto Kansar.

Isbitaal lagu magacaabo The Queen Victoria Hospital Trust oo ku yaala magaalada East Grinstead ee dalka Ingiriiska ayaa dadweynaha uga digay in ay isku dhigaan qorraxda taas oo jirka ku samayneysa gubasho ay ka dhalan karaan xanuuno.

Dhanka kale isbitaalka ayaa sheegay in qorax badan oo la isku dhigaa ay sababi karto in maqaarka jirka uu ku yimaado gubasho uuna baddalmo midabka qofka.

Arintaan ayaana timid ka dib markii bartaan lagu baahiyay warar sheegaya in qoraxdu ay daawo u tahay finanka ama nabraha ka soo baxa maqaarka qofka, halka dadka qaarna ay soo bandhigayeen in qorraxdu ay maqaarka adkeyso.

“Isbeddallada noocan oo kale ah maaha oo kaliya inay sababaan khatar dagdag ah, balse dhanka kale waxa ay horseedaan in qofka ay ku keenaan xaalad caafimaad darro oo ku daba dheeraata,” ayuu yiri Sam Orkar, oo ku taqasusay gubashada iyo waxyaabaha sababa, waana maamule xarun caafimaad.

Dhaqtarka ayaa dhanka kale ku taliyay in dadku isticmaalaan kareemyada cadceeda si ay uga hortagaan qorraxda badan ee maqaarka ku dhaceysa.

Isbitaalka West Sussex ayaa sheegay in arinkani uu yahay wax cusub oo aysan jirin kiisas la xiriira oo la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka balse dhanka kale isbitaalku waxa uu ka digay in dadka qoraxda isku dhiga in sanadaha soo socda ay arki karaan khatarta uga timaada arinkaan.

Dadka isticmaala aaladda TikTok ayaa dhankooda siyaabo kala duwan uga aragti dhiibanaya xujadaan hadalheynta ka abuurtay barta.

Kansarka lala xiriirinayo TikTok

Maamulayaasha caafimaadka ayaa sheegaya in dad badan oo qoraxda isku dhigay waqti aad u dheer ay ku keeni karto khatar ah in uu ku dhaco kansarka maqaarka.

Isbitaalka ‘The Queen Victoria’ ayaa sheegay in ku dhawaad 700 oo bukaan ah kuwaas oo qaba kansarka maqaarka ay ku arkeen magaalooyinka Sussex, Surrey iyo Kent, iyadoo tiradani ay sii kordhayso sanadba sanadka ka danbeeya.

Melanoma waa nooca 5-aad ee ugu badan ee kansarka gudaha UK, ayuu yiri Mr Orkar.

Cilmi baaris lagu sameeyay kansarka noocaan ah ee dalka Ingiriiska ayaa lagu saadaaliyay in rikoorkooda ay gaari karaan 20,800 oo xaaladood kuwaas oo ah kansarka maqaarka ee melanoma, waana tirakoob la sameeyay sanadkaan iyo sanadkii hore ee 2023, halka sidoo kale tirakoob horay loo sameeyay sanadihii 2020 ilaa 2022 ay kiisasku ahaayeen 19,300.

Kansarka maqaarka iyo sida qofka uu ugu dhici karo

Dhaqtar Maxamuud Maxamed Cabdulqaadir oo ku taqasusay xanuunada maqaarka kana howlgala mid kamid ah isbitaalada magaalada muqdisho ayaan wax ka weydiinay xanuunada ay qoraxda badan ku keento maqaarka, ‘’kansarka ku dhaca maqaarka waa laba nooc mid dadka aad u dila, iyo mid maqaarka qofka u keena in uu is badalo,’’ ayuu yiri dhaqtarka.

Dhaqtar Maxamuud Maxamed Cabdulqaadir
Qoraalka sawirka,Dhaqtar Maxamuud Maxamed Cabdulqaadir waxa uu ku taqasusay xanuunada maqaarka ku dhaca haatana waxa uu ka howlgalaa mid kamid ah isbitaalada magaalada muqdisho

Waxa uu intaa ku daray in dadka ay u kala nugu yihiin qorraxda gaar ahaan dadka maqaarkoodu cad yahay ay saameyn ku reebto qoraxda jirkooda ku dhacda.

Qoraxdu waxa ay maqaarka ka dhigtaa mid si dhaqso ah ku gabooba, sidoo kale waxa ay ku keentaa nabro xanuuno kale isku badala,” ayuu hadalka ku daray dhaqtar Maxamuud.

Waxaa jira waxyaabo sababa kansarka maqaarka oo ay kamid yihiin qoraxda badan, goobaha lagu sameeyo kiimikooyinka, dadka ka shaqeeya isku darka rinjiga, iyo dadka ku sugan miyiga kuwaas oo ay maqaarka dhaawacyo ka gaaraan iskuna badali kara kansar hadii aanan dhaqtar lala xiriirin, sida uu dhaqtarka maqaarka u sheegay BBC-da

Waxa uu dhaqtarka ka dhawaajiyay in dadka qaar ay difaaca maqaarkooda iyagu dilaan, maadaama ay isticmaalaan kareemo midabka badala kuwaas oo saameyn ku yeesha difaaca maqaarka, waxa uuna ka digay wax kasta oo maqaarka wax u dhibaya.