October 27, 2023- BBC
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa shalay si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Xamaas dagaalka Falastiin iyo Israa’iil, wuxuuna ku dhawaaqay in cunaqabatayn lagu soo rogi doono Israa’iil.
Iyada oo taas laga jawaabayo, Turkiga iyo Israa’iil hawlihii sahminta gaaska dabiiciga ah ee qorshaysnaa iyo dhismaha dhuumaha shidaalka ee bariga Mediterranean-ka ayaa la joojiyay, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Bloomberg.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar, oo lagu waday inuu Israa’iil u tago wadahadallo laba geesood ah oo ku saabsan howlaha sahaminta gaaska dabiiciga ah iyo dhismaha dhuumaha, ayaa sidoo kale joojiyay barnaamijkiisa.
Turkiga ayaa horey u qorsheyay inuu gaaska Bariga Mediterranean-ka u soo qaado Yurub isagoo soo marinaya dhulkiisa. Bishii Sebtembar, Madaxweyne Erdogaan waxa uu ku dhawaaqay hawl-gal dhanka tamarta ah oo wadajir ah oo ay Israa’iil ka samaynayso Bariga Mediterranean-ka, intii uu ku guda jiray booqashadiisa Maraykanka ee shirarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee, kadib falkii ay Israa’iil dhawaan ka geysatay Qaza, ayaa Madaxweyne Erdogaan waxa uu walaac ka muujiyay colaadda taagan, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah weerarradii ugu arxan-darnaa ee taariikhda.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay tirada badan ee dhaawacyada iyo dhimashada, gaar ahaan carruurta, hooyooyinka iyo dadka waayeelka ah. Iyadoo waddamo badan oo reer galbeed ah ay Xamaas u haystaan urur argagixiso, haddana Turkigu waxa uu Xamaas u arkaa koox xorayn iyo iska caabin ah oo dhulkeeda u dagaalameysa.
Booqasahadii madaxweynaha Israel ee Turkiga
Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa 9 kii March ee sanadkii 2022-dii sheegay inuu rumeysan yahay in booqashada Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ee Turkiga ku yimid xiligaas ay noqon doonto is beddelka xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya dalalka Israel iyo Turkiga, Ankarana ay diyaar u tahay inay Israel kala shaqeyso arrimaha tamarta.
Isagoo hadlayay ka dib wadahadal uu xiligaas la yeeshay Herzog, oo booqasho ku tagaya Turkiga ayuu sheegay inuu u gudbiyay habka uu Turkigu u wajahayo arrinta Falastiin.
Balse waxaas oo dhan waxa is badaleen kadib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin, kadib markii Xamaas ay weerar lama filaan a ku qaaday Israa’iil 7 dii October.
Faaidada heshiiskan ugu jirtay Israel
Israa’iil waxay haysataa kayd gaas oo muhiim ah, waxayna qorshaynaysay inay gaaska u dhoofiso Yurub iyada oo sii marinaysa dhuumaha gaaska bari ee Mediterranean-ka, kaas oo uu gorgortan u dhexeeyay Qubrus, Greece iyo Israel ka socday tan iyo 2014 kii. Si kastaba ha noqotee, ka dib markii la hakiyay 2021 kii, Israa’iil waxay bilowday inay raadiso wadooyin kale oo gaaska loogu dhoofiyo Yurub, Turkiga ayaa noqday waddanka Israel ay u ragtay kan ugu haboon, si ay rajadaas uga dhabeyso, iyadoo loo fiirinayo goobta uu ku yaal.
Joojinta heshiisyada tamarta ee u dhaxeeya Turkiga iyo Israa’iil ayaa muujineysa mowqifka Turkiga ee colaadda Falastiin iyo Israa’iil iyo taageerada uu u hayo Xamaas.
Go’aanka madaxweyne Erdogaan uu cunaqabatayn ugu soo rogay Israa’iil iyo joojinta wada shaqaynta tamarta ayaa muujinaya sida aanu Turkigu u aqbalin ficillada Israa’iil ee loo arko inay kuwa isdifaac ah.
Turkiga iyo Xamaas
Sanadihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xamaas ayaa ku sugnaa Turkiga muddo gaaban ama dheer ama booqashooyin badan ku tagayay, balse Xamaas ayaan ku lahayn xafiis siyaasadeed oo rasmi ah oo si furan uga shaqeeya Turkiga, si ka duwan joogitaankooda magaalada Doha ee dalka Qatar.
Waxaa la isla dhexmarayaa in Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniye iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xamaas ay ku sugnaayeen Istanbul 7-dii Oktoobar, xiligaas oo ah markii ay weerararka Israel lagu qaaday uu dhacay. Ikasta oo aanay jirin war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee Xamaas iyo Turkiga midna, haddana sawirro iyo waraysiyo qaarkood ayaa muujinaya joogitaankooda.
Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Xamaas ayaa weli ah mawduuc xiiso leh. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ma muujin wax xumaan ah ama dhibaato oo ku yimid xiriirka Turkiga iyo Xamaas.
Hadalada uu madaxweyne Erdogaan ka jeediyay fagaare uu ku taageerayo Xamaas ayaa soo jiitay taageero badan iyo dhaleecayn labadaba. Halka dalalka iyo ururrada qaar ay X壯陽藥 amaas u arkaan koox argagixiso, haddana Turkigu waxa uu u arkaa urur sharci ah oo u dagaallamaya xorayn iyo iska caabin.
Ankara ma waxay ka codsatay Haniye iyo madaxda kale ee Xamaas inay ka baxaan Turkiga?
Warar kale oo soo shaac baxay maalmihii la soo dhaafay ayaa ah in kadib weeraradii 7-dii October ay mas’uuliyiinta Turkiga ka codsadeen Ismaaciil Haniye iyo Hogaamiyaasha Xamaas oo xiligaas ku sugnaa Turkiga in ay isaga baxaan dalka.
Eedeymahaas ka dib, waxaa bayaan lagu soo qoray barta X (Twitter) ee Agaasinka Madaxtooyada, gaar ahaan Waaaxda Isgaarsiinta iyo La-dagaalanka wararka been abuurka ah.
Qoraalka ayaa ku qornaa afka Carabiga ayaa lagu yiri: “Eedeynta ah in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku amray madaxda sare ee Xamaas inay si deg deg ah uga baxaan Turkiga waa kuwo aan waxba ka jirin.”
Dibadbaxa weyn ee lagu taageerayo ee Falastiin oo 28 Octobar ka dhici doona Turkiga
“Dibadbaxa weyn ee Falastiin” oo uu soo qabanqaabiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) ayaa la filayaa inuu 28-ka October ka dhaco magaalada Istanbul kaas oo sida la sheegay lagu muujin doono garab istaagga Turkiga ee Falastiin iyo taageerada uu u hayo Xamaas.
Madaxweyne Erdogaan ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo isu soo baxaas, isagoo xoojinaya mowqifkiisa ku aadan dagaalada socda
DHINACA KALE
Boqolaal sharci yaqaan oo kasoo jeeda Ingiriiska oo dawladoodu ugu baaqay inay joojiso taageerada hubka ee ay Israa’iil siiso
In ka badan 250 qareen oo British ah, oo ay ku jiraan madaxda xarumaha caanka ah iyo macalimiin sharciga dhiga, ayaa ugu baaqay dowladda Ingiriisku inay Israa’iil cadaadis ku saarto xabad joojinta Qaza, iyagoo sheegay in sharciga caalamiga ah si weyn loo jebiyay.
Qareenada ayaa warqad u qoray Raiisel wasaare Rishi Sunak, Xoghayaha Arimaha Dibada James Cleverley iyo Xoghayaha Difaaca Grant Shapps, iyagoo qeexaya waxa dhaqangal ah ee la talinta sharciga ee la xiriirta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
Qareennadan ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladdu inay joojiso hubka ay ka iibinayso Israa’iil, kaasoo loo adeegsan karo xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.
Warqadan oo ka kooban 10 bog ayaa si faah faahsan uga hadashay falkii ay dowladda Israa’iil ka geysatay Qaza tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii bishan.
Warqaddu waxay sheegtay in gabood-fallada ay geysteen Xamaas ay ahaayeen kuwo xadgudub weyn ku ah sharciga caalamiga ah, balse waxay intaas ku dartay: “Xadgudubyada ba’an ee sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee hal dhinac sameeyeen marmarsiiyo uma noqon karo xadgudubka koox kale .
Tani waxay ku soo beegantay xilli hoggaamiyeyaasha siyaasaddu ay wajahayaan dalabaadyo sii kordhaya oo ay ugu baaqayaan xabbad-joojin bini’aadantinimo si loogu oggolaado gargaarka muhiimka ah ee rayidka ah inay galaan marinka Qaza.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ingiriiska Oliver Dowden ayaa sheegay Khamiista in dowladdu ay cadaadis ku saarayso “joojinta ku-meel-gaarka ah” ee duqeynta, laakiin ma aysan taageersanayn “xabad-joojin buuxda