30,November, 2020
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda FS mudane Maxamed Cali Nuur oo goor dhaw ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.
Dawladda FS ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,

Dawladda FS waxay Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.
Ugu dambayn xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda FS aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamuud M Nuur Tarsan, iyada oo safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya fartay inuu la tashi ugu laabto dalkiisa.” Ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Lama oga sababta ka dambeysa in lagu amro Safiirka Kenya in uu dalka ka baxo, waxaana xusid mudan in xiriirka u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid aan wanaagsanayn
