Maxay tahay sababta uu Isu Casilay Xoghayihii Guud ee Golaha baarlamaanka Somalia ?

3″ October “2022 Muqdisho

Xoghayihii Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa iska Casilay Xilkiisa, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xoghaye Buux iscasilaadiisa kaga dhawaaqay Shirka Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka ee weli ka socda Xarruunta Golaha.

Ma cadda ilaa hadda sababaha keenay in uu iscasilo Xoghaye Buux, balse waxaa xogo hoose tilmaamayaan in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa badalaya Xoghayihii hore Cabdikariim Buux.

Leave a Reply