Abiya Ahmed Oo Dib U Milicsday Qorshihii Males Zanawi Ee Hub Ku Quudinta Hogaamiya Kooxeedyadii Isku Hayay Talada Somalia

16-Julya-2024

Abiy Ahmed oo horey u sheegay in Xasiloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay Itoobiya oo bad hesha ayaa kabaha u gashtay hirgalinta Qorshihii Farmaajo ee ahaa in Somalia dib loogu celiyo dagaalo sokeeye .

Abiy ayaa bilaabay in uu hubeeyo beelaha soomalida oo awalba horey Isu dilayay Iyadoo hubkaas sharcidarada ah sidoo kale itoobiya ay uga faa,iideeyneyso argagixisada dowladda ku kacsan”

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hubka sharci darrada  ah ee dalka kasoo galay dhanka Itoobiya, taas oo imaaneysa 7 bilood ka dib markii Somalia laga qaaday Cunaqabateyntii hubka ee saarnaa tobonaanka sano

“Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha Qabaailka Soomaaliyeed, ayay yiraahdeen Laamaha Amaanka ee Dowlada Soomaaliya oo sheegay in ay si dhow ah ula socdeen hub sharci darro ah  oo ka yimid Itoobiya kaas koox ganacsato ah ay dalka soo galiyeen”

Ethiopia Waxay Horey U Hubeeyn Jirtay Qabqablayaashii Isku Hayay Talada Somalia

Somalia ayaa horey dhibaato dhinaca hubka ah kala kulantay dariskeeda Itoobiya Intii uu dalku ku jiray Cunaqabteeyntii la qaaday ee Qaramada Midoobay

Hogaamiyii hore Ethiopia Males Zanawi ayaa hub farabadan u soo raray qabqablayaal dagaal oo Isaga ku xirnaa si uu sii daba dheeraado colaadii u dhaxeeysay hogaamiyaal kooxeedyadii dalka ku dagaalamayay

Sidee Hubka Uu Ku Galay Gacata Shacabka?

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay kadib markii maleeshiyaad gaadmo ah ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo marayey bartamaha Soomaaliya oo ay ka qabsadeen hub culus, dowladda hoose iyo dadka deegaanka ayaa sheegay Talaadadii, todobo bilood kadib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka oo muddo tobanaan sano ah saarneyd.

Kolanyada oo la socday ciidamo ilaalo ah oo la socday maalintii Isniinta meel u dhow magaalada Caabudwaaq ayaa maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha deegaanka ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka, sida ay Reuters u sheegeen afar ka mid ah dadka deegaanka.

Waxay sheegeen in hubkan oo isugu jiray qoryaha darandooriga u dhaca, kuwa lidka diyaaradaha iyo baasuukayaasha laga soo bilaabo dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.