Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa wada hadalo saacado badan qaatay uga socdaa Hoyga Xasan Sheekh ka degan yahay Muqdisho.
Kulankan oo bilowday galabta ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu soo dalbaday Fahad Yaasiin oo saaxibo hore ahaayeen Xasan Sheekh, waxaana wararku sheegayaan in laga wada hadlayo xaalada siyaasadeed iyo marxalada xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlayo ay ku jirto magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay, oo muddo 30 cisho ah ay caawa u buuxsameyso in dalka Ra’iisul Wasaare la’aan yahay, tan iyo markii la riday Xasan Cali Kheyre.
Hadal heyn xoog leh ayaa soo xoogeysaneysay todobaadyadii u dambeeyay oo ahaa inay dhici karto in Mucaaradka lagula gorgortamo xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Xukuumad qeyb ka yihiin mucaaradka.
Qorshaha ka dambeeya arrintaas ayaana ah muddo kororsi, haddii ay dhacdo in Ra’iisul Wasaaraha lagula heshiiyo Mucaaradka, waxaana loo arkaa in Fahad Yaasiin yahay buundada isku xiri kartaa Mucaaradka iyo Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay.
Xiriirkiisa dhanka mucaaradka oo saaxibo badan uu ku leeyahay ayaa dhici karta inuu soo galo heshiis siyaasadeed, si mucaaradka ay qeyb uga noqdaan Dowlad Wadaag u gogol xaari karta in la helo muddo kordhin ugu yaraan hal sano ah